Su’aalo muhiim ah oo shabakada BOI la weydiiyay sanadii 2006 ama 16-sano wax badan ogaaw: Q.2aad.
Su’aasha 7-aad: Dhanka shactiroolayaasha Johnny Lever, Paresh Rawal, Rajpal
Yadav, Shakti Kapoor iyo Anupam Kher yaa lacag badan ku shaqeeyo.
Jawaabta BOI: Paresh Rawal shactiroole ma ahan ee waa hogaamiye sababtoo ah
filimada door adag ayuu ka qaataa sida Phir Hera Pheri oo kale iyo Bhagam Bhag
hogaamiyaasha ayuu ku jiraa wuxuuna haatan dalbadaa 1 Crore ilaa 2 Crore inta u
dhaxeyso inuu filimada ku sameeyo, Rajpal Yadav ayaa shactiroolayaasha ugu
qiimo sareeyo oo dalbado 40 Lakh ilaa 70 Lakh inta u dhaxeyso kuwa kale sida
Johnny Lever, Shakti iyo Anupam Kher waqtigoodii dahabiga ahaa hadda lama
joogo.
Su’aasha 8-aad: Madaama Hrithik Dhoom 2 iyo Krrish Blockbuster u noqdeen
2006 goormaa ugu dambeesay atoore hal sano labo Blockbuster inuu sameeyo?
Jawaabta BOI: SRK ayaa ugu dambeeyay sanadii 1995 asigoo sameeyay Karan
Arjun iyo DDLJ.
Su’aasha 9-aad: Maxaa u sabab ah filimka weyn Kabhi Alvida Na Kehna inuu HIT
dhameestiran noqon waayo?
Jawaabta BOI: Si sahlan Karan Johar wuxuu hareer maran filimadii uu sameyn
jiray ee arimaha qoyska dhaqanka Hindiya ku saleesay. KANK waa filim dhaqanka
Hindiya liddi ku ah mana aqbalayaan daawadayaasha Hindiga ah aflaanta guryaha
la isku daba mareeyo iyo gogol dhaafka. Karan wuuba nasiib badan yahay hadii
fariintan SRK iyo Big Bachchan ka aqbaleen inay u sameeyaan weliba dartooda
ayuu filimkan ku bad baaday.
Su’aasha 10-aad: Xirfadaada jiliin oo aad u sareyso maka dhigan tahay fanka
inaa baaqi kusii ahaan doontid? Jawaabta BOI: Maya kama dhigno fanka waxaa
baaqi loogu ahaada sameynta aflaan si joogto ah u guuleestaan Dharmendra iyo
Big Bachchan 70-maadkii iyo 80-maadkii jiilkooda ma aysan ka xirfad sareynin
balse wey ka guulo badnaayeen, Sunny Deol jiilkiisa kama jiliin wanaagsano
weliba Naseerudin Shah oo sedex jeer atooraha ugu wanaagsan qaatay ayay iski
jiil yihiin maantana isku heer ma ahan. SRK jilkiisa ma ugu jiliin wanaagsano
haddana isaga ugu awood badan muhiimada waxay tahay atooraha dadka inuu filim
ka gadi karo.
Su’aasha 11-aad: Maxaa marwalbo Aamir Khan u dhaliishiin una hag ratiin?
Jawaabta BOI: 2006 sidaan ka rabnay ayuu sameeyay Aamir madaama Rang De
Basanti iyo Fanaa uu la yimid oo Big Hits noqdeen. Waxaan ka rabnaa sanad walbo
inuu saaxada kasoo muuqdo oo uu labo filim la imaado si awoodiisa Bollywood ka ugu
faa’iideeyo. Aamir ma hagrano laakiin waan dhaliilnaa madaama filimadiisa yar
yihiin.
Su’aasha 12-aad: Yaa mudan sanadkan 2006 in la siiyo atooraha iyi atirishada
ugu wanaagsan Bollywood-ka?
Jawaabta BOI: Ma naqaan. Sababtoo ah arimaha ganacsiga aflaanta iyo awooda
jilaayaasha ayaan ka hadalnaa. Midda kale abaal marinada wax qiimo ah malahan
hab cadaalad ah looma bixiyo waagii hore ayay qiimo laheyd xiligaasna atooraha
iyo atirishada sameeyaan filimada Boxoffice-ka wacdaraha ka dhigaan
daawadayaashana kasbadaan ayaa bilada la siin jiray.
Dhamaad.