Su’aalo muhiim ah oo shabakada BOI la weydiiyay sanadii 2006 ama 16-sano wax badan ogaaw:

0
1205

Su’aasha 1-aad: Govinda filimka Bhagam Bhag Hit ka uu noqdo saameyn maku leeyahay?

Jawaabta BOI: Maya kuma lahan sababtoo ah Akshay iyo Director Priyadharshan ayaa sabab u ah guusha weyn uu filimkan gaaray waayo Govinda waa hore ayuu gabalkiisa dhacay.

Su’aasha 2-aad: Sidee suurta gal ku tahay SRK inuu Star Power ka 2006 kaalinta kowaad ku jiro xili Hrithik labo Blockbuster sameeyay?

Jawaabta BOI: Star Power ka hal sano hogaanka malagula wareego SRK guulihiisa waa joogto 200 ilaa 2006 kaliya 2005 ayuusan HIT sameynin halka Hrithik 2002, 2004 iyo 2005 wax HIT ah sameynin marka hal sano uu cirka galo awooda SRK makala wareegi karo waa inuu joogteeyaa sameynta aflaanta Big Hits ah.

Su’aasha 3-aad: Sanjay Dutt filimkiisa Lago Raho Munna Bhai waa Blockbuster weyn ma isagaa ah filimka 2006 waqtiga ugu badan tiyaatarada saarnaa?

Jawaabta BOI: Lago Laho Munnabhai waa Blockbuster weyn daawadayashaana ka heleen balse filimka Vivaah ayaa ugu waqtiga dheer dhanka baaqi ku ahaan shaha tiyaatarada isna waa Blockbuster la wada jeclaaday.

Su’aasha 4-aad: Maxaa ka qaldan Salman madaama Salaam E Ishq, Jaan E Mann iyo Baabul Flop ka noqdeen 2006 anagoo ogeyn in 2005 wacdaro xoog leh uu dhigay?

Jawaabta BOI: Salman waa Superstar taageerayaal badan leh balse dooqa aflaantiisa ayaa 100% qaldan waxaan dhihi karnaa waa awood isaga is bur burinaayo.

Su’aasha 5-aad: Haddii ay sidaas tahay ma dhihi karnaa Salman waxaa ka dalab wanaagsan Akshay madaama aflaan guulo wacan gaarayaan la imaanayo?

Jawaabta BOI: Haa waan dhihi karnaa weliba Akshay waa midka ugu dalab sareeyo Bollywood xiligan madaama guulihiisa joogto yihiin waqti walbo la heli karo, marka aan odorsno aflaanta 2007 u diyaarsan waxaan si sahlan ku dhihi karnaa Kumar waa midka kaliya SRK halis weyn ku ah waayo Hrithik ma shaqo badno 2007 filim uma diyaarsano halka Salman isaga dooqyadiisa qaldan yihiin.

Su’aasha 6-aad: Sida guuf Kareena Kapoor iyo Priyanka Chopra yaa awood badan?

Jawaabta BOI: Waxaa awood badan Kareena Kapoor balse sanadkan 2006 Priyanka ayaa sareyso madaama Krrish iyo Don Big Hits u noqdeen.

la soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here