Banu Akdeniz waa mid kamid ah dadka qarash gareeyasha Hercai kamid ah waxaa la weydiiyay suaalo xiiso leh oo mid walba jawaabteeda ay muhiim ahed waxaana halkaan idiin kuguso diyaarinay dhamaan suaalaha la weydiyay kuwaaso kala saarayan xantii mudooyinkan dambe socotay kuna saabsan taxanaha.

Gabadhan ayaa Youtube-ka Live kasoo gashay si ay daawadayaasha Hercai jecel ugu mahadceliso maadama kanaalkooda Hercai uu si dhaqsi ah ku gaaray 1 Million oo Subscribe ah waliba Youtube-ka ayaa gudoonsiiyay kanaalkaas abaal marinta Hercai Fandom waliba gabadha si Live ah ayee abaal marinta dadka utustay.

Waxuu noqday kanaalkii ugu horeyay ee taxanayaasha laga daawado midka waqtiga ugu yar ku gaaray 1M Subscribe hadaba suaalaha la weydiyay gabadhaan qarash gareeyaha ah hoos kaga bogo suaal walba iyo jawaabtii Banu Akdeniz:

Yaariin mala guursanayaa?

Banu: Aniga xitaa waan jeclahay Yariin in la guursado waxayna ila tahay in Yaareen aroos qurux badan iyo si qurux badan loo guurin doono balse ma garanaayo Feraye Sahin (gabadha taxanaha qorta) waxa ay qorsheysay ileen kama hordhici karo.

Waa kuma Haaruun?

Banu: Haaruun qofka uu yahay waxaad ku ogaan doontiid xalqada 30-aad marka aan wada aragno qofkuu noqon doono iyo meeshuu kasoo jeedo.

Qeyb seddexaad miyaa laga sameeyn doonaa Hercai (Season 3)?

Banu: Hader sida aad Hercai ula socotaan waa heer sare hadii aad sidan kuwadaan markaas waxaan fileynaa qeyb seddexaad inaan ka sameyno marka wax walbo idinka habka u daawataan cadad ahaan ayaan ka qayaas qaadan doonaa iyo Season-kan sida loo soo dhaweeyo ( Season 2 Rating).

Zahra miyee geeriyoon doontaa oo mala dili doonaa?

Banu: Maya Zahra lama dilaayo sida xaqiiqda anigaana idinka hubo midaas. Qorista sheekada taxanaha Hercai asalkiisa Book miyuu kasoo bilaawday oo laga soo xigtay?

Banu: Haa marka hore Book ayee kasoo bilaawatay Hercai oodhan balse balse waxyaabo aan anaga hal abuurkeena iyo fikirkeena ahaan ugu darsanay ayaa jiraan.

Sumeyye ayaa qortay buuga sheekada Hercai mar aan Airport ku akhrinaayey buugan waan ka helay sheekada markaas ayaana ku fikiray inaan isticmaalo waxaana la kulanay Sumeyye weyna inoo ogolaatay inaan isticmaalno buugeeda oo taxane u bedelno weyna ku mahadsantahay midaas.

Miiraan iyo Reyyaan xiriir furaash miyaa dhexmari doono mise taxanaha sidan ayuu ku dhamaana ayagoo kala dhowrsoon ileen waa nin iyo xaaskiisa sida taxanaha ay kujilayaan?

Banu: waa suaal so noq noqota (kadib wey qososhay) run ahaantii aniga ahaan ma garanaayo hadii uu dhexmari doono xiriirka noocaas iyo hadii kale waxaan jeclaan lahaa Feraye (gabadha taxanaha qorta) inee halkaan joogto iyada ayaa ka jawaabi lahed suaashan.

Dilshaah miyee nooshahay waxaa la isla dhexmarayaa midaas xan ahaan iyo inee iyada tahay qofka Caziiza warqadaha usoo qoraayey?

Banu: Maya ma noola Dilshaah. (Kadib si deg deg ayee kaga gudubtay suaashaas faah-faahin dheeri kuma aysan darin marke intaas tiri)

Istanbuul maka mid tahay goobaha Hercai lagu duubaayo?

Banu:Maya Istanbul waxba kuma duubeyno xitaa muuqaal yarba ha noqdee kaliya Mardin ayaan kusii wadeena inaan Hercai ku duubno sido kale waa inaan u mahadcelina reer Mardin-Midyat sababto ah waxay inaga saacideen inaan si dhaqsi oo sahlan Hercai kuduubano.

Zahra taxanaha gabi ahaanba miyee ka baxeysa?

Banu: maya kama baxeyso balse in mudo ah ayee maqnaan doontaa sababto ah uur ayee leedahay oo xiliga dhalmada ayaa soodhow marka wey soo laaban doontaa markee dhasho kadib.

Taxanaha Hercai gabo gabo ama dhamaad miyuu kudhowyahay?

Banu: Maya xili dhow ma dhamaan doono.

Miiraan iyo Reyyan cunug miyee dhali doonaan oo aabo iyo hooyo miyee noqon doonaan?

Banu: inee cunug dhalaan waxaa ka horeysa inee iyaga kulmaan oo xiriir galmo sameyaan marka midaasna aniga ma ogi inee dhici doonto iyo goorte dhaceyso kaliya kooxda howsha wado ayaa sheegi karaan.

Hadii Reyyan aabahed Hazar ahen marka masoo bixi doonaa Reyyan aabahed oo mala arki doonaa?

Banu: waa macquul inuu soo baxo misane la arko laakiin waa hubaal idinma dhihi karo waana suaal wanaagsano muhiim ah.

Muuqaalo shumis afka ah majiri doonaan oo dhexmaraayo jilayaasha sida Miiraan Reyyaan iyo lamaanayaasha kale?

Banu: Haa wey jiri doonaan horeyna waan u aragnay hada kadibna waan arki doonaa waliba todobaadkan ayaad daawan doontaan (iyadoo ula jeedo xalqada 29-aad ayaad ku arki doontaan waana lagu arkay).

Azat jaceyl ma uqaadi doonaa Elif?

Banu: aniga fikir ahaanteyda haa wuu u qaadi doonaa jaceyl sababto ah waa qof si wanaagsan ula dhaqma Elif si weyna oga taxadira marka inuu dareen jaceyl u qaadi doono aye ila tahay balse kooxda waxay qorsheyeen ma ogi.

Harun jaceyl miyuu u qaadi doonaa Reyyan?

Banu: Maya, aniga ilama ahan uma qaadi doono jaceyl balse ma garanaayo qorayaashena taxanaha waxay qorsheyn doonaan.

Kadib waxaa xiga Banu oo muuqaal Video Live ah ay ka waceyso Miiraan Reyyaan iyo Azaad maadama taageerayaasha si live usoo codsadeen inee u arkaan waxayna wacee xidigahan oo Hercai duubis ku wadaan Mobileka ayaana laga arkaa iyagoo seddexdooda isla joogaan goobta Hercai lagu duubayana kusugan halkaas ayee ka salamaayaan taageerayaashooda misane oga mahadcelinayaan.

Dhamaad..

F.G: Suaalahala weydiiyay seddec nooc ayee oga jawaabtay nooc ay hubto jawaab dhameestiran oo hubaal ah ayeena bixisay, nooc ay jawaab gaaban ka bixisay oo aysan faahfaahinin iyo nooc aysan hubin jawaabta saxda ah balse ay tiri waan jeclaan lahaa iyo sida aye ilatahay waliba waxay go’aanka udhaaftau qorayaasha sheekada qofkii qoraalka sifiican udhuuxa ayaa fahmi kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here