Saif Ali Khan hab dhaqankiisa gaarka ah ee laga diiwaan galiyay waa mid cajiib ah asna waxuuna xidigaan caado iyo dhaqan ka dhigtay inuu suuliga ama musqusha saacad ama ka badan kujiro maalinkii.

Waxaan si taxanahe ah u wadnaa ka hadloda dabeecadaha iyo hab dhaqanka gaarka ah jilayaasha Bollywoodka dhowr jilaa ayaana soo qaadanay markaana waa xidiga caanka ah ee Saif Ali Khan oo aan kaga hadleeno hab dhaqankiisa gaar ah.

Kareena Seygeeda waxaa dabeecad u ah inuu ku daaho suuliga sidaa aawged musquk gaar ah ayuu leeyahay ileen dadka la nool ayaa hadii kale dhib ku qabayaan musqushiisa jilaagan waxuu ku leeyahay qaanad dhan oo buugaag ka buuxaan.

Waxuu jecel yahay markuu xaajadiisa gudanaayo inuu wax akhristo sida joornaal ama buugaagta meesha u taalo sido kale waxaa u yaalo Talefoon oo isagoo xaajadiisa gudanaayo ayuu talefanka dad kula sheekestaa waana hab dhaqan layaab leh.

Kareena Kapoor ayaa hada Kahor sheekadan dadka la wadaagtay iyo dabeecadaha Saif Ali Khan mida dadka ka yaabisay ayaa midaan noqotay ileen qof musqushiisa maktabad buugaagta ka dhigtay taleefona u yaalo markuu xaajada gudanaayana wax akhris kujiro waa cajiib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here