Director Trivikram Srinivas waqti qurux badan ayuu bartanka kaga jiraa madaama filimkiisii ugu dambeeyay Ala Vaikunthapurramloo ee Stylish Star Allu Arjun hogaamiye ka ahaa All Time Blockbuster noqday halka Suldaan Mahesh Babu isagana filimkiisii ugu dambeeyay Sarileru Neekevvaru isagana Blockbuster weyn ayuu noqday waxaana xusid mudan in labadooda filim isku dhaceen bilawgii sanadkan haddana guulo lixaad leh ayay wada gaareen.

Haatan waxaa la sheegay in Director Trivikram iyo Mahesh Babu inay mar sedexaad wada shaqeyn doonaan ayagoo horey u wada sameeyeen filimada caanka ah Athadu iyo Khaleja waxaana la sheegay mashruucan inuu noqon doono mid weyn oo waqti badan u baahan lana daawan doono dhamaadka 2021 ama sanadka dambe.

Mahesh Babu dhawaan marka ay xaalada caadi kusoo laabato wuxuu duubis ku bilaabi doonaa filimka uu Director ka yahay Parsuram oo ku caan baxay inuu sameeyay filimkii Geetha Govindam ee Blockbuster weyn noqday oo Vijay Deverokanda hogaamiye ka ahaa.

Dhinaca kale Director Trivikram Srinivas isagana dhawaan wuxuu ka howli gali doonaa filim Action ah oo mada daalo dhameestiran leh waxaana hogaamiye ka ah Jr. NTR waana filimka 30-aad ee NTR hogaamiye ka yahay labadana dib ayay u midoobi doonaan madaama filim sameeyahan horey NTR ugu sameeyay filimkii HIT-ka weyn noqday Aravinda Sametha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here