Suldaan Mahesh Babu maanta waa maalintiisa wuxuuna u dabaal dagayaa sanad guuradiisa 45-aad sidoo kalena baraha bulshada hambalyo kala duwan ayaa loogu dirayaa Superstar-ka reer Telugu ee waqtiga wacan bartanka kaga jiro sidoo kalena taageerayaal fara badan ku leh gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Sidaa darteed waxaa kaarto aan dhameestirneyn laga soo bandhigay filimkiisa weyn Sarkaru Vaari Paata si Suldaanka taageerayaashiisa loo farxad galiyo sidaa darteed kooxda filimkan waxay qaateen go’aan ah in hadal heynta Mahesh filimkiisa xiga maanta cirka gasho qof walbna wuxuu soo xiganayaa kaartada aan dhameestirneyn ama astaanta filimkan xiisaha badan laga soo bandhigay.

Sida sawirka sare idin kaga muuqato kaartada filimka Sarkaru Vaari Paata waji ama muuqaalka Mahesh kama muuqdo balse waxaa idiin muuqato gacantiisa iyo asigoo shilin sare u tuurayo kadibna magaca filimka lasoo raacsiiyay waxaana mashruucan Director ka ah Parasuram halka muusiga xiisaha badan uu sameeyay Thaman.

Keerthy Suresh ayaa atirisho kowaad ka ah filimka Sarkaru Vaari Paata qorshahana wuxuu ahaa in xiligaan duubista mashruucan bilaabato balse saameynta Karoona Virus awgeed filimkan waxay u badan tahay bisha September ee nagu soo fool leh marka xaalada xoogaa yara dagto in duubis lagu bilaabo waxaana la qorsheenaa in la daawado xagaaga sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here