Xidiga reer Telugu ee aflaanta fariimaha heerka sare leh sameeyo Adivi Sesh ayaa u dabaal dagayo maanta sanad guuradiisa 35-aad wuxuuna dhashay 17 December 1985, sidaa darteed filimkiisa weyn Major ayaa aragti kowaad laga soo bandhigay si taageerayaashiisa farxada dhalashadiisa ula qeebsadaan.

Suldaan Mahesh Babu ayaa si rasmi ah baraha bulshada ugu soo bandhigay aragtida kowaad filimka Major ee Adivi Sesh hogaamiye ka yahay wuxuuna ku matalaa doorka sarkaal la wada jeclaa Major Sandeep Unnikrishnan ee wararkii 26/11 Mumbai ka dhacay oo dad badan lagu laayayay, waxaana xusid mudan in sarkaalkaas naftiisa ku waayay bad baadada shacabkiisa.

Filimka Major waxaa Director ka ah Sashi Kiran Tikka waxaana lagu daawan doonaa dhamaan luqadaha Hindiya ugu caansan sida Hindi iyo Telugu qorshahana wuxuu yahay xagaaga 2021 in filimkan Action-ka iyo howl galka isku jiro ah la daawado. Sidoo kalen waxaa doorar muhiim ah ku leh Sobhita Dhulipala, Saiee Manjrekar, Prakash Raj, Revathi iyo Murali Sharma.

Filimka Major waxaa isla maal galinayaan Mahesh Babu shirkadiisa GMB Entertainment, Sony Pictures Films India iyo A+S Movies. Wuxuuna Mahesh Babu yiri marka uu soo bandhigaayay aragtida kowaad filimkan “Waxaan ku faraxsanahay inaan soo bandhigo aragtida kowaad ee filimka Major. Waxaan kuu rajeynaa dhalasho wacan Adivi Sesh. Waxaan hubaa in Major uu ka mid noqon doono mid ka mid ah filimadaada ugu bandhiga fiican tahay. Nasiib wacan iyo faraxd ayaan marwalbo kuu rajeynaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here