Home » Nolosha Jilaayaasha » Sumeet Vyas Iyo Ekta Kaul Waa Nin Iyo Xaaskisa Iyo Sawirada Arooskoda Laga Soo Bandhigay Internet-kana Ku Faafeen!!

Sumeet Vyas Iyo Ekta Kaul Waa Nin Iyo Xaaskisa Iyo Sawirada Arooskoda Laga Soo Bandhigay Internet-kana Ku Faafeen!!

Waxaan maanta idiin la wadaagnay in si rasmi ah isku guursadeen lamaanaha caanka ah Sumeet Vyas iyo Ekta Kaul oo mudo dheer xiriir jaceyl ka dhaxeyay balse maanta arooskoda dhacay.

Sumeet Vyas waa atoorihi ku jiray filmka Veere Di Wedding ee ay wada jileen Kareen Kapoor Khan, Sonam K Ahuja, Swara Bhaskar iyo Shika Talsania waxuuna Sumeet shaashada ku jila wiilka Bebo jeceshahay.

Inkastoo aflaam kale uu horey u sameeyay hadana VDW ayaa ka dhigay atoore in badan aqoonsi hela maadama Bebo uu shaashada jaceyl kula sameeyay hadana mashruucan guul wacan ayuu gaaray.

Jilaagan shaqadiisa Bollywoodka kaliya hormar ma gaariin ee nolol cusub ayuu galay maanta waxuu si rasmi ah u guursaday gabadhii uu mudada dheer xiriirka la lahaa Ekta Kaul oo arooskoda ka dhacay guriga Ekta.

Maalintii shalay ahed ayaa la dhigay xafladaha kala ah cilaan saarka iyo Sangeet-ka wax loo yaqaan halka maanta arooska guud dhacay ayadoo laga soo bandhigay sawirkooda kowaad xili ay fiyooraha isku xirayaan sidaan horey idiin kula wadaagnayba balse hader sawiro dhameestiran ayaa lamaanahan laga soo bandhigay.

Lamaanahan waligood ma aysan qarinin xiriirkoda marwalb oo la weydiyona shaaca ayee ka qaadi jireen waana la isku wada ogaa inee lamaano yihiin balse maanta ayee ka dhabeyeen jaceylkooda.

Arooskan ma noqon mid si weyn loo abaabulay marti badana lagu casuumay sida xidigaha Bollywoodka balse waxuu noqday mid iska yar oo marti kooban lagu casuumay wax buun buunin ahna loo sameenin..

Halkaan hoose ka daawo sawirada dhameestiran ee lamaanahan arooskoda laga soo bandhigay:

Sumeet Vyas, Ekta Kaul wedding photos

Sumeet and Ekta wedding

Sumeet Vyas, Ekta Kaul wedding photos

Sumeet Vyas, Ekta Kaul wedding photos

Sumeet Vyas, Ekta Kaul wedding photos

Sumeet Vyas, Ekta Kaul wedding photos