Home » Nolosha Jilaayaasha » Suniel Shetty “Deepika Waa gabbar Hindi ah qof dhibaato u geesan karto ma jirto!”

Suniel Shetty “Deepika Waa gabbar Hindi ah qof dhibaato u geesan karto ma jirto!”

Ruug cadaa Suniel Shetty ayaa ka hadlay dooda aan dhamaadka laheyn ee ku aadan in filimka weyn Padmavati loo diidan tiyaatarada la saaro sidoo kalena atirishada filimkaan hogaamiye ka ah Deepika Padukone iyada iyo qoyskeeda dil ayaa loogu hanjabay.

Suniel Shetty wuxuu yiri “Deepika waa gabbar Hindi ah oo qof walbo difaac ka mudan mana jirto qof dhibaato u geesan karto”

“Hadii aan nahay jilaayaal waxaan ka sinnahay ilaalinta sharafka Hindiya sidaa darteed waxaan idiin balan qaadaa in Padmavati yahay filim nadiif ah oo aan dhaqan, diin iyo taariikh bulsho gaar ah leedahay meel waxba uga dhaceyn”

“Aniga ayaa reer Rajput kasoo jeedo sidoo kalena shacbiyad balaaran ku leh gobolka Rajashthan marka sidee been idin kugu sheegaa una ogolaanaa in dadkeyga taariikhdooda meel looga dhaco”

Xili ay shaqsiyaadka Bollywood-ka ugu caansan diidan yihiin inay dooda filimka Padmavati ka hadlaan ayuu Suniel Shetty siweyn u garab istaagay Deepika iyo dhamaan jilaayaasha filimkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *