Ruug cadaaga Bollywood-ka ka tirsan Suniel Shetty dhawaan wasaarada ciyaaraha Hindiya waxay u dooratay safiir u qaabilsan wacyi galinta dhalinyarada sports-ka kala duwan Hindiya u diiwaan gashan inay ka fogaadaan adeegsigada daroogada ama maadooyinka fir fircoonada laga helo madaama Hindiya ka qayb qaadan doonaan ciyaaraha Olombikada aduunka ee Japan lagu qaban doono dhamaadka bisha July ee sanadkan.

Sidaa darteed Wasiirka Ciyaaraha Hindiya mudane Kiren Rijiju iyo Suniel Sheety ayaa isla qabteen bandhig cayaareed wacyi galin ah oo dhalinta looga digaayo halista ay leedahay adeesgiga daroogada waxaana lagu booriyay inay noqdaan cayaartooy nadiif ah oo daroogada ka fogaadaan si ay hormar Sports u gaaraan dalka Hindiyana bilado dahab ah usoo hantaan ciyaaraha Olympic-da aduunka Tokyo lagu balansan yahay.

Sidoo kale Suniel iyo wasiirka waxay daaha ka qaadeen tartanka dhalinyarada Hindiya Khelo India Youth Games (KIYG) ee deegaanka Guwahati ka socdo wuxuuna Suniel yiri “Waxaan idin ku dhiiri galinaa inaad ka fagootaan daroogada ama waxyaabaha jirkiina fir fircoonada siinayo dhalinyaro ayaa tihiin qalad wuu idinka dhici karaa laakiin marnaba ha u dhawaanina daroogada waa dilaaga Sports-ka.

Sidoo kale wasiirka Sports-ka Hindiya Kiren Rijiju oo isagana la hadlay kumanaankii qof wacyi galintan sports ka qayb qaateen wuxuu yiri “Dhamaanteen masuuliyad ayaa na saaran waxaa nagala rabaa dhalinyarada mustaqbalka ifeyso leh inaan mustaqbalkooda ilaalino waxaana ku ilaan karnaa inaan wacyi galan sameyno, baaritaan joogto ah sidoo kalena shaqsiyaadka dalka laga jecel ee astaanta u ah sida Suniel Shetty oo kale dhalinta la hadlaan una sheegaan halista ay leedahay adeegsiga daroogada iyo wixii la hal maalo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here