Bollywood Action Hero Suniel Shetty waa ganacsade caan ah oo gudaha dalka India iyo daafaha caalamkaba ganacsigiisa ku baahay waana nin aan waligiis joojin ganacsigiisa xitaa markuu kacsanaa ee uu awooda kulahaa Bollywoodka xiligii 90-maadkii.

Jilaagan looga haray sameeynta Filimada dagaalka ah waxuu ahaa ganacsade kahor inta uusan kusoo biirin Bollywoodka waxuu Mumbai kulahaa Carwo weyn oo dharka lagu iibiyo si qaas ah labiska jilayaasha ee ilqabadka leh ayaa laga heli jiray taasi oo sababtay in qaar kamid ah jilayaashoo bilawgii 90-kii caanka ahaayen carwadiisa soo booqdaan.

Suniel waxaa xiligaas u imaan jireen labisna ka iibsan jireen jilayaal ay kamid yihiin Salman Khan, Sanjay Dutt iyo Jackie Shroff ayagoo ku dhiiro galin jireen Suniel inuu atoore noqdo xiligaasna qiyaas ahaan waxay ahed intii udhaxeysay 1989 ilaa 1991.

Sababta ay ugu dhiiro galin jireen inuu noqdo atoore sameeya filimada dagaalka ah waxay tahay in jirkiisa si weyn udhisnaa jir ahaana diyaarsanaa oo jilaagan waxuu xilo hore dhistay jirkiisa isagoo ku dayanaayey Superstars Hollywoodka katirsanaayeen oo uu murqaha kaga dayanaayey.

Suniel wuu qaatay taladii saaxiibadiis usoo jeediyeen ee ahed inuu atoore noqdo waxuuna durba helay Filimka Balwan oo uu atoore ka noqday Divya Bharti ayaana la jishay Filimkaas wixii markaa ka dambeyay taariiikhda ayaa xusto wacdarihii Shetty dhigay iyo xifaaltankii uu la galay Akshay Kumar iyo Ajay Devgn.

Laga soo bilaawo Balwan ilaa Darbar waa safar dheer 10 bishaan ayaana tiyaatarada loo saara Shetty Filimkiisa koonfur India ee Darbar kaaso laadir uu ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here