Suniel Shetty oo baraha bulshada qabsaday 58 jir uma eka kani 25 jir ayaa la moodaa xili uu Darbar duubayo.

0
1402

Halyee Suniel Shetty ayaa dib ugu soo laabtay Mumbai asigoo maal mihii ugu dambeeyay Australia hawlo ganacsi u tagay.

Suniel durba wuxuu xaadirag goobta duubista filimkiisa Darbar ka socoto marka uu Mumbai dib ugu soo laabtay si muuqaalo Action ah isaga iyo Superstar Rajinikanth iskula sameeyaan weliba hab casri ah ayaa loo duubayaa.

Suniel ayaa kooxda filimka Darbar ka yaabsaday madaama uu goobta ku yimid funaanad ku dhagan, surwaal lugaha ku eg oo half ah iyo koofiyad waxaana loo maleeyay 25 jir xarakoonayo.

Director AR Murugados wuu yaabay wuxuuna kooxda filimkan ku yiri macquul ma ahan Suniel 58 jir ma ahan waa 25 jir waayo sida uu u diyaarsan waligeey ma arkin qof 60 sano ku dhow oo sidaan camal u diyaarsan jir ahaan.

Darbar waxaa la daawan doonaa 10 Jan 2020 haatana duubistiisa gabo gabo ayay ku dhow dahay waxaana xusid mudan in Suniel Shetty laadar ka yahay filimkaan sidoo kalena ganacsade weyn yahay halka Rajinikanth isaga door askari mayal adag ku matalaayo waana filim Tamil ah oo Af Hindi, Telugu, Malayalam iyo Kannada lagu daawan doono.

Director AR Murugados wuxuu kooxda flimka Darbar u fasaxay inay Suniel sawiro la galaan ka hor inta aysa shaqada filimkaan bilaabanin waana sawirada aan idin la wadaageyno ee baraha bulshada qabsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here