Mudooyinkan dambe xan ayaa la isla dhexmaraayey oo kusaabsan atiriishada Athiya Shetty inee xiriir la leedahay wiilka Cricket-ka ciyaara ee Kl Rahul waxaana usabab ahed in marwalba la isku arko oo meelo badan ay isku raacaan.

Athiya iyo Rahul midna arinkaan kama hadlin mana aysan xaqiijin xiriirkooda balse qof iyaga saaxiib la ah kana akdhow ayaa saxaafada la wadaagay in markii hore lamaanahan saaxiib kaliya ahaayen balse hada jaceyl iyo xiriir dhab ah sheekada u bedeshteen.

Saxaafada intaas kuma qancin waxay fursad ku heleen aabaha Athiya Shetty dhalay misane ah Bollywood Action Hero Suniel Shetty waxaa la weydiiya xiriirka gabadhiisa la leedahay wiilkan Cricket-kan ciyaara waxuuna yiri isagoo hadlaayo.

“Aniga ma ahi qofka xiriirka leh Athiya Shetty na la ima dhaho” saxaafada suaal kale ayee ku celiyeen bal inuu u xaqiijiyo ugu yaraan xiriirkaas inuu dhab yahay balse Suniel oo ku adkeynaayo una diidan jawaab dhan ayaa yiri,”orda oo Athiya so weydiiya suaashas markee idiin jawaabtana iila imaada oo iisheega jawaabte idin dhahdo ileen aniga Suniel Shetty ayaa la idhahaa ee ma ahi Athiya Shetty.”

Suniel ayaa caro ama xanaaq u muujiyay saxaafada markee nolosha gabadhiisa wax ka weydiiyeen wuuna dhibsaday suaashaas sida hadalkiisa ka muuqdo marka xiriirkan inuu xaqiiq yahay kaliya Athiya Shetty ayaa sheegi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here