Home » Nolosha Jilaayaasha » Suniel Shetty oo dhiiqada iyo roobka Mumbai ka jiro baabuur ku dhex waday xili uu hawl ku guda jiray

Suniel Shetty oo dhiiqada iyo roobka Mumbai ka jiro baabuur ku dhex waday xili uu hawl ku guda jiray

Bollywood Action Hero Suniel Shetty shaqadiisa filim jilista ma badno dhawaanahan balse wuxuu waqtigiisa galiyaa hirgalinta barnaamijyada bulshada lagu wacyi galiyo inay jirka dhistaan iyo tartamada cayaaraha kala duwan.

Magaalada Mumbai todobaadkan waxaa ka jiro roobab mahiigaan ah oo fatahaado sababeen sidoo kalena dadka isku socodkooda yaaray.

Suniel Shetty ayaa banaanka usoo baxay sidoo kalena xayeysiin u sameeyay daahana ka jaray tartanka orodka baabuurta ee xiliyada xagaaga Mumbai lagu qabto marka dhiiqada wadooyinka ku badato.

Suniel Shetty ayaa gacantiisa ku waday mid ka mid ah baabuurta Sports-ka ee lagu tartamaayay asigoo tartanka orodka baabuurta dhiiqooyinka lagu wado.

Suniel Shetty wuxuu yiri “Aadban u jeclaa waligeey tartamada Sports-ka ee juhdiga u baahan gaar ahaan kuwa baabuurta dhiiqada lagu wado, markaana sharaf ayay ii tahay inaan tartankan Mumbai lagu qabanaayo daaha ka qaado”