Suniel Shetty iyo Shilpa Shetty waxay ka mid yihiin jilaayaasha Bollywood-ka ugu caansan ee bilawgii 90-maadkii fanka Hindiya soo galeen waxayna isla sameyeen aflaan caan ah sidoo kalena marwalbo oo ay shaashada kasoo muuqdaan bandhigooda waa laga heli jiray.

Haddaba waxaan idiin heynaa labo Shetty filimada ay isla sameeyeen oo gaarayaan 5-filim kuwaa soo ay door dhameestiran ku leeyihiin mid walbo ganacsiga uu sameeyay iyo natiijada uu la kulmay sida aan kasoo xiganay shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Prithvi (1997) wuxuu soo xareeyay 4.36 Crore waana Flop

2. Aakrosh (1998) wuxuu soo xareeyay 2.88 Crore waana Flop

3. Dhadkan (2000) wuxuu soo xareeyay 14.02 Crore waana Average

4. Kraz (2003) wuxuu soo xareeyay 8.69 Crore waana Flop

5. Dus (2005) wuxuu soo xareeyay 23.29 Crore waana Average.

Sida xogta sare ka muuqato Suniel Shetty iyo Shilpa Shetty waxay isla sameeyeen 5-filim kuwaas oo labo ka mid ah guuleesteen waxaana ugu caansan aflaanta ay isla sameeyeen filimkii Dhadkan ee jaceylka sedex geesoodka ahaa kuna wehliyay Akshay Kumar lana daawaday sanadi 2000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here