Bollywod Action Hero Suniel Shetty ayaa qayb ka noqday dooda xoogan ee Hindiya ka taagan madaama maalmo ka hor gobolka Kerala lagu dilay Maroodi iyo cunigiisa caloosha ku jiray kadib markii cananaas walxaha qarxaan ku dhex jiraan uu cunnay kadibna xanuunkii uu xamili waayay awgeed wabiga isku dhex tuuray sidaasna ku geeriyooday.

Ruug cadaa Suniel Shetty wuxuu si adag u dhaliilan falkaas wuxuushnimada ka muuqato wuxuuna ku baaqay kuwii maroodiga iyo cunigiisa dileen in lasoo qabto kadibna iyagana la dilo si ay xanuunka u arkaan wuxuuna yiri “Qaladaadka gaar ee naxariis darada ka muuqato kuwa sameeyaan waxay dareemi karaan oo kaliya isla ciqaabta ay geesteen haddii la mariyo!”

Sidaa darteed Suniel hadalkiisa waxaaba laga fahmi karaa inuuba rabi lahaa kuwii maroodiga dileen iyagana cananaas walxaha qarxaan ku dhex jiraan la siiyo kadibna caloosha ku dhex qarxo canaanka si ay xanuunka u arkaan!

Suniel Shetty wuxuu garab istaagay sidoo kale qolyaha xuquuqda xeywaanaadka u doodaan ee gudaha Hindiya ka jiraan kuwaas oo haatan maxkamada gobolka Kerala dacwad ka fureen wuxuuna Suniel sheegay inuu arintan soo dhaweenayo loona baahan yahay in cadaalada la horkeeno dambiilayaasha maroodiga iyo cunigiisa dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here