Sunil Dutt Kahor Inta Uusan Geeriyon Hadalkaan Ayuu U Dhaafay Paresh Rawal!!

Paresh Rawal waa jilaa weyn oo kamid ah rugcadaayaasha Bollywoodka ugu caansan waxuuna wax ka jilay jilaagan filmka Sanju ee looga hadlaayo nolosha halyeey Bollywood Sanjay Dutt.

Paresh waxuu filmka kujilay doorka Sunil Dutt oo ah aabaha dhalay Sanjay Dutt kaaso ah xidig weyn oo bari samaadkii caan ahaa hadaba wareysiyadii Rawal laga qaaday intii xayeysiin loo samenayey Sanju waxuu ku shaaciyay in Sunil Dutt warqad usoo qoray kahor inta uusan geeriyon.

Hadalka aan udeyno Paresh oo sheekadan ka sheekenayey,”sanadku waxuu ahaa 2005 markii aan duubayey filmka Deewana Huye Paagal waxaan markaas ka imid Marekanka waxaana imid India anigo duubista mashruuca u imid xili aan Hotel-ka aan dagi lahaa joogo ayaan gurigeyga wacay si aan xaalada xaaskeyga Swaroop u ogaado.”

“Taariikhda waxay ahed 25 May waana isla maalinta uu geeriyoonayey mudane Dutt, xaaskeyga Swaroop waxay iisheegtay in ay isoo gaartay isla maalintas warqad hambalyo dhalasho ah oo uu iiso diray mudan eSunil Dutt sida ay xaaskeyga ii sheegtay anigana farxad meel aan tago ayaan garan waayey balse nasiib xumo mudo yar kadib waxaaba isoo gaartay geerida halyeeygan waxaan xaaskeyga weydiyay maxuu usoo hormariyay warqadaan ileen 30 May aye ku beegned dhalashadeyda ma garanaayo aye igu tiri.”

“2 Jan 2017 xili aan joogo guriga Rajkumar Hirani oo sheekada filmka Sanju la iigu akhrinaayo waxaa isoo wacday xaaskeyga Swaroop oo igu dhahday waxan armaajadada ka helay warqadii dhalasho ee mudane Dutt sanado kahor kuuso diray ee maxaan ka yeela armaajada ayaan dan kalahaa, waxaan ugu jawaabayh meel iigu xafid bal nasiibka eeg sida wax walbo isugu tooseen isugana xirmeen inaan doorka Dutt sameyo calafkeyga aye ahed xaqiiq ahaan..

Tani waa warqadii Sunil Dutt 25 May usoo diray Paresh Rawal waana maalintii uu geeriyoday Sunil Dutt balse Paresh Rawal waxay sanad guurada dhalashadiisa ku beegned 30 May sida uu sheegayba hase ahaate Sunil ayaa goaansaday inuu u hormariyo hambalyeenta sanad guurada dhalasho xidigaan waana oraahdii udambeysay ee uu ka helo Rawal dhanka Dutt.