Suniel Shetty wuu soo laabtay weliba si adag ayuu usoo laabtay madaama uu laf dhabar u yahay fariinta filimka Pehlwaan doorkiisa masuuliyada ka muuqato

sidoo kale aktarkan ayaa mudo badan ka maqnaa filim jilista isagoona markii dambe dib ugu soo laabtay codsiyo fara badan uu ka helay filim sameeyaasha iyo taageerayaashiisa

laakiin Suniel Shetty oo ku guda jira xayeesiinta filimka Pehlwaan ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu ilaa haatan ka qoomameenaayo samaynta filimka Gentleman ( 2017) kaaso uu waday aktarka Siddhart Malhotra

Suniel oo sidoo kale waxa uu sheegay in doorkiisa xumaanta ee filimkan Gentleman inuu yahay doorkiisa ugu xumaa uu sameeyo inta uu filim kasoo muuqanaayay maadaama isaga uu filimkaas uu kasoo muuqanaayo in yar oo kooban kaaso aan lahayn saamayn weyn waxaana aktarkan uu si weyn u dhaleeceeyay Director ka filimkaas Raj Nidimoru and Krishna D.K.

dhanka shaqada Suniel Shetty waxaa dhawaan lagu arki doona filimka Pailwaan ee reer Kannada iska leeyihiin shirkadooda lagu magacaabo Sandalwood waxaana xarun u ah magaalada Banglore waana filimka ugu horeeyay ee Kannada ah halyee Suniel Shetty kasoo muuqanayo asigoo deegaan kasoo jeedo haddana Bollywood-ka ayuu waqtigiisa ugu badan ku qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here