Home » Nolosha Jilaayaasha » Sunny Deol “Ha Jiro Halka Jaceyl Ee Naga Dhaxeeyo!” Reer Deol Jaceylka Ay Isku Qabaan Waa Mid Sareeyo

Sunny Deol “Ha Jiro Halka Jaceyl Ee Naga Dhaxeeyo!” Reer Deol Jaceylka Ay Isku Qabaan Waa Mid Sareeyo

Hadii aad maqashid qoys Bollywood ah oo is jecel iskuna xiran laguna daydo waa reer Deol oo uu hormuud u yahay Dharmendra iyo labadiisa wiil Sunny Deol iyo Bobby Deol.

Reer Deol waxay jecel yihiin jaceylka dhabta ah ee ka dhaxeeyo inay shaashada ku muujiyaan dunida tusaan in jaceylka waalidka iyo walaal ka dhaxeeyo inuu yahay mid aan dhamaad laheyn.

Sidaa darteed Sunny Deol ayaa sawir taageerayaashiisa qiiro badan galiyay baraha bulshada soo dhigay xili ay hab isi siinayaan walaalkiis ka yar Bobby Deol.

Sunny wuxuu soo raacsiiyay qoraalkan “Ha Jiro Halka Jaceyl Ee Naga Dhaxeeyo!”

Wuxuu ula jeedaa waligiis ha jiro jaceylka walaaltinimo ee naga dhaxeeyo xili uu Bobby Deol soo dhaweesaneyso dunidana u muujinayo reer Deol jaceylkooda inuusan dhamaad laheyn.

Sawirkaan waxaa lagu tilmaamay midka ugu farxada badan ee labo walaalo ah isku soo dhaweyn karo sidoo kalena dadka fasiro muuqaalada waxay isku raaceen in labada waji Sunny iyo Bobby ka muuqdaan farxad iyo jaceyl aad u weyn inay isku hayaan.

Dhinaca shaqada labadaan Deol waxay isla soo wadaan filimka Yamla Pagla Deewane 3 oo uu sidoo kale aabaheed Dharmendra la jilaayo lana qorsheenayo in la daawado 2 April 2018.