Sida Guud Mega Star Amitabh Bachchan ayaa ahaa ninkii ugu horeyay ee loo bixiya magaca Angry Young Man asigoo 70kii iyo 80kii shaashada xanaaq fara badan ku muujin jiray.

Hadaba marka la joogo 90kii waxaa jiray hal atoore oo awood ku hestay 10kaas sano Bollywoodka sido kalena qaab jiliinkiisa cajiibka ahaa awged daawadayasha run umalenjireyn ficilka ama xanaqaa uu muujinayo darteed.

Atoorahas awooda iyo kartida badnaaa cid kale ma ahan waa Dharmendra curadkiisa uu ku faano Bollywood Action Hero Sunny Deol.

Sunny intii uu kuguda jiray xirfadiisa shaqada filimada halmar ayuu dadka oodhan ka yaabsaday asigoo ficil run ah sameyay maadama ficil been ah awalba la sameynaayey.

Waxay ahed xili la duubayey filimka Darr waxaana filimkaan wada jileen Sunny Deol, SRK iyo Juhi Chawla waana filim ay ku xifaaltamayaan SRK oo markaas nin magac doon ahaa iyo Sunny oo xiligaas Super Star weyn ahaa.

Rajat Sharma  ninka lagu magacaabo wuxuu hada kahor Sunny Deol ku casuumay showgiisa ‘Aap Ki Adalat; wuxuuna Sunny weydiyay suaalo fara badan intii lagu gudajiray showgaas.

Suaalihii Sunny la weydiyay waxaa kamid ahaayen suaasha ah wax kusaabsan xanaaqisa qaasatan markuu filimka Darr duubayey xanaaqii uu xanaaqey sido kalena kalifay inuu jeex jeexo jeemiskiisa.

Sunny waayo waayo ayaa lasooxasuusiyay asigoo qoslaayana wuxuu yiri,”waqtiyada qaar xiliga aad duubeyso filimada waxaa jiraan waxyaabo qaarkod ay adagtahay inaa qaadato ama aad rumeyso, hadana aniga ahaan inkasto aysan wanaagsanen inaad ka ficil celiso waxaas dhacaya hadana nafsadeyda kuma qancin xiligaas wixii aan indhaheyga ku arkay oo iga xanaajiyay.”

“Waan xasuustaa dhacdadii Filimka Darr waxay ahed xili aan muuqaal la duubayey Shah Rukh Khan muuqaalkaas oo ahaa mar uu SRK toorey ama mindi igalinaayo ana aan iska taaganahay.”

Aniga shaqsi ahaan waxaan ahay qof tabobar Commando soo maray marka sidee wiil yar uu mindi ii galinayaa ana aan iska taaganahay oo aan ujeedo hadii aano mashquulsan ama qofkale la dagaalayo uu igaadi lahaa caadi aye ahaan lahed balse anoo ujeedo waan qaadan waayey.”

“Balse anigoo tixgalinayo sharaf weyna u haayey mudane Yash Chopra waan qaatay in la igaliyo tooreyda anoo iska taagan ileen waxaan sameyo ma aqaane, sida awged aadba u xanaaqay gacmaheyga ayaan jeebabka jeemiska gashtay xanaaq aawgis waxaan is arkay anoo jeemiskeyga soo goostay jeexay/dooxay.”

“Dadkii goobta joogay waxay bilaaweyn inee kala ordaan cabsi aawged ana maba is ogeynba qaladka aan galaayo xiligaas wale maalinkaas ma ilaawi doono waligey.”

Akhriste Sunny Deol xanaaqisa qiso kale ayaan idiin kaga soo gudbin doona taaso ka dhexdhacday filimka Ghayal xili Amrish Puri(Saalimsey ama Indho Caag) si run ah u ordaayo asigoo ka cabsi qaba Sunny Deol.

Sunny Deol sheekadan ku aadan filimka Darr ee Xanaaqa uu u jeexjeexay jeemisa uu qabay jeebabkiisa uu soo goostay waxaa sabab u ahaa SRK waana dhacdo taariikhi ah oo lawada ogyahay inabad caadi ma ahen Bollywood Action Sunny Deol…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here