Sunny Deol iyo Karisma Kapoor ma xabsi ayay u socdaan iyo dambi ay galeen 22 sano kahor oo maxkamad loosoo taagay.

0
585

Jilaaga weyn ee Sunny Deol iyo atariishada aan ka dhicin ee Karisma Kapoor kuwaasoo sagaashamaadkii Bollywoodka maqaayad u shidan aheyd ayaa waxaa lasoo taagay maxkamad kadib dacwo socotay mudo 22 sano oo loo heystay.

Sunny Deol iyo Karisma Kapoor ayaa loo heystaa in sanadkii 1997dii xili ay duubis ku wadeen filim la yiraahdo Bajrang kaasoo ah filim meel la iska dhigay iyagoo ku sugnaa tuulo u dhaw Jaipur ay ku ciyaareen mid kamid ah tareenada furayaashiisa Emergencyga taasoona sababtay in tareenkaasi uu hakad galo mudo 25 daqiiqo.

Caawiyaha boosteejada tareenada ayaa xiligaas la xiriiray booliska gobolka Rajasthan asigoona u sheegay in dad kasocdo magaalada Mumbai kuwaasoo tuulada filim ku duubayay ay tareenka joojiyeen qaab aan sharci aheyn iyagoona ku xadgudbay sharciyada tareenada.

Tan iyo markaas dacwadaan wey socotay xili jilayaashaana ay arinkaas dafireen iyadoo toogtaan lagu balansanyahay in maxkamda soo istaagaan Sunny Deol iyo Karisma Kapoor 24ta bishaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here