Bollywood Original Action Hero Sunny Deol ayaa aad oga xumaaday kana carooday howshii uu mudada ku mashquulsanaa in qasaaro xoog leh kasoo gaartay waa arrin naadir ah marka howl aan howshaada ahen aad faraha la gasho in qasaarahan lala kulmaayo.

Supertar-kan waxaa u tashteen kooxa filimada ka faaloodaan kuwaaso filimkiisa dacaayad xun ka faafiyeen shaqsiyadiisana meel kaga dhaceen maadama sidii ay rabeen ay ka heli waayeen ileen waa dad lacag iyo daba nacamleen ku shaqeyaan.

Sunny ayaa laga soo xigtay hadal geesinimo leh inuu yiri uu ku difaacaayo wiilkiisa iyo shaqsiyadiisa waxuuna yiri oo laga soo xigtay,”xaq looma lahan in shaqsiyada wiilkeyga, ama teyda ama mida reer Deol-ba meel looga dhaco io dacaayad iyo aflagaado naloo geesto.”

“Filim waa guul dareesan karaa waliged ayeena dhaceysay midaas Ranbir Kapoor Saawariya oo Disaster noqday ayuu Bollywood kusoo galay maantana waa xidig weyn io magac leh Salman Biwi Hota Aisi ayuu la yimid laakiin Maine Pyaar Kiya ayuu magac ku yeeshtay.”

“Waad aragteen Akshay Kumar xaalkiisa suu ahaa iyo maanta sida uu Superstar weyn u yahay atoore filimkiisa kowaad ka guuldarestay Karan Deol uma horeeyo waan hubaa in soo laabasho weyn aan sameeyn doonno dhibna malaha hadii Pal Pal Dil Ke Paas guul darestay muhiimada waa inaan karti u leenahay inaan howsheena wadan karno.”

Sunny Deol afka ayuu furtay waxuuna canaan kulul udiray kooxda filimada ka faaloodaan oo shaxaad iyo jeebka in loo buuxiyo ka waayeen dhanka Sunny Deol si ay u buun buuniyaan mashruuca Pal Pal Dil Ke Paas meel walba dad lacag kaliya ku shaqeyaan lagama weynaayo taasi waxaaba ka daran shaqsiyadiisa ayeeba aflagaadeyeen oo durayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here