Home » Nolosha Jilaayaasha » Sunny Deol Oo Hada Kahor Dili Lahaa Hema Malini Mindi Ama Tooreyna U Qaatay!!

Sunny Deol Oo Hada Kahor Dili Lahaa Hema Malini Mindi Ama Tooreyna U Qaatay!!

Dharmendara asigoo 19 jir ah ayuu guursaday hawey neeyda lagu magacaabo Prakash Kaur balse markuu bilaaway filim jilista wuxuu jaceyl xad dhaaf ah u qaaday Dream Girl of Indian Cinema gabadha loogu yeeri jiray ee ah Hema Malini.

Atoore walba ayaa jeclaa Hema oo rabay inuu mar uun la saaxiibo balse Dharamji ayaa ka keensaday gabadhaan quruxda badneyd jaceyl xad dhaaf ah.

Waliba ayadoo og in Dharmendra leeyahay xaas sido kalena 4 caruur ah u joogaan, hase ahaate Hema waxay ku hami weyneed in uu Dharamji soo furi doono xaaskisa hore sido kalena ayada uun la noolan doono.

Balse xaaska Dharamendra wey diiday arinkaa oo in a furo marnaba ma aysan ogoleyn, sidaa awged Dharamendra iyo Hema Malini waxay qaateen diinta Islaamka si ay isku guursadaan oo kaliya.

Maadama Hinduuga aysan caada u laheyn in ninka hal xaas kabadan guursado, hadaba arinkaa waxaa ka naxday xaaskii koowaad ee Dharmendra sido kalena caruurtisa Sunny Deol iyo Bobby Deol arinkaas wey ka naxeen oo wey ka xanaaqen.

Waxaa la shegay in Sunny Deol u adkeysan waayey murugada hooyadiisa sidaa awgedna uu mindi ama toorey u qaatay Hema Malini damcayna inuu dilo si hooyadiis iyo aabihiin ay oga dhex baxdo.

Balse arinkaan la shegay waxaa beenisay Sunny Deol hooyadis ahna xaaska koowaad ee Dharmendra Prakash Kaur xili wareysi lala yeeshtay waxayna shegta in caruurteeda falkaas ku kici Karin o ay koriismo fiican iyo tarbiyo fiican soo bartay.

Waa run aye tiri in ay ka naxeen guurka labadaan qofood isguursadeen balse marnaba fal xun kuma kici karaan aye tiri caruurteyda….