Qoyska Deol waa qoyska ugu awooda badan taariikh ahaan fanka hindiya waxayna dadka kale kaga duwan yihiin in aysan naftooda xayeysiinin iyo badeecadooda waxayna aaminsanyihiin oraahda ah “shaqada ha hadasho.”

Majeclo ine saxaafada hor imaadaan oo ay Filimadooda xayeysiin usameyaan waana dabeecado ay ka siman yihiin qoyskaan sido kale waxaa loo qiray ine yihiin qoyska ugu calool jilcan uguna qiiraha badan Bollywoodka dhexdiisa ma ceshan karaan qiiradooda iyo ilintooda xitaa hadii ay dadka hor joogaan.

Sunny Deol oo ah Dharam wiilkiisa curadka ah ayaa wax laga weydiiyay hada kahor arinkaan iyo sababta ka dambeysa waxuuna yiri isagoo ka jawaabaya,”Waxaa nahay dad qalbi wanaagsan jaceylka aan dadka u qabno ilin ayaan ku muujin karnaa waayo ma hadal badnin.”

Marka laga soo tago Dharmendra, Sunny Deol iyo Bobby Deol waxaa kaloo jiraan xidigo kale oo naxariis badan aadna u qiiro badan waxaa kamid ah Salman Khan, Suniel Shetty iyo Sanjay Dutt.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here