Megastar Sunny Deol wuxuu qalbiga ka dareemayaa inuu sabab u ahaa wiilkiisa Karan Deol inusan si mucjiso ama saameyn ku dheehan fanka Hindiya kusoo galin madaama filimkii uu sanadkii hore u agaasimay Pal Pal Dil Ke Paas daawadayaasha soo dhaweyn wanaagsan ka helin kadibna Karan wajiga uu fanka kusoo galau fashilmay.

Hadaba Sunny Deol xafiiskiisa gaarka ah waxaa laga soo xigtay wiilkiisa Karan Deol inuu fursad labaad siin doono asigoo filim cusub oo Action ah u diyaarin doono balse markaan Sunny Deol dhanka maal galinta ayuu ku ekaan doonaa oo Director weyn ayuu masuuliyada faraha ka saari doonaa.

Karan Deol ayaa diyaar garrow adag ku jiray tan iyo markii uu filimkiisii kowaad ka fashilmay weliba wuxuu noqday qof Gym-ka saaxiib la ah asigoo si adag jir ahaan isku dhisay waxaana la sheegay filimkan Action-ka ah Karan inuu hogaamiye kowaad ka noqon doono balse atoore kale oo caan ah ayaa lagu soo dari doonaa si uu Karan u garab istaago filimkana miisaan ugu noqdo.

Sunny Deol ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan duubistiisa bilaaban doonto bisha June ee sanadkan sidoo kalena sida ugu dhaqsiyaha badan lagu diyaarin doono goobaha lagu duubayo iyo jilaayaasa kale kasoo muuqan doonaan waxaana la qorsheenaa horaanta sanadka dambe in la daawado filimkan la doonayo in Karan Deol magaciisa lagu soo nooleeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here