Megastar Sunny Deol firaaqo wacan ayuu helay madaama Hindiya bartanka kaga jirto 21-maalmood oo bandow ah ama guryaha laga soo baxeyn ayadoo si adag loola dagaalayo caabuqa halista badan Coronavirus, waxaana haatan la ogaaday in xil dhibaan Sunny uu soo iibsaday labo filim oo Koonfur Hindiya ah kadibna uu Bollywood ka dhigi doono.

Waxaan horey idin kula wadaagnay Sunny Deol filimkiisa xiga in loo bixiyay The Blind Case sheeko ahaana mashruuc Koonfur Hindiya ahna laga soo min guuriyay duubista uu ku bilaabi doono marka dhawaan xaalada Hindiya caadi kusoo laabato asigoo ku jilaayo askari hore oo indhool ah kaasi oo garab siinayo 4-dhalinyaro dhibaateesan.

Haatan Sunny Deol waxaa la ogaaday inuu gacanta filimka Telugu ah Brochevarevarura waana filim HIT weyn noqday oo sheekadiisa aad looga helay laguna daray liiska 25-ka filim Tollywood ugu sheeko wanaagsan oo ay sameeyeen 10-ka sano aan kasoo gudubnay.

Filimka Brochevarevarura fariin ahaan waa shactiro, qayaano iyo arimaha dambiga asigoo ku saabsanaa sedex wiil dhalinyaro kuwaas oo imtixaanaadka ku dhacayaan waqtiga marwalbo iska lumiyaan oo ugu dambeyntii gabbar iskuulka la dhigato isku dayayaan inay garab siiyaan balse dhibaato weyn arinkaas kala kulmayaan. Waxaana mashruucan Sunny soo iibsaday ee Bollywood laga dhigaayo hogaamiye kowaad looga dhigaa Karan Deol.

Karan Deol filimkiisii kowaad Pal Pal Dil Ke Paas ganacsi ahaan wuu ka guul dareestay balse haatan Sunny wiilkiisa wuu ku kalsoon yahay in mashruucan labaad u maal galinaayo inay daawadayaasha soo dhaweyn doonaan wuxuuna Sunny rabaa inuu Director ka noqdo Vivek Athreya waxaana la qorsheenaa bisha June ee bartamaha sanadkan in filimkan xiisaha badan Karan duubis ku bilaabo ayadoo la doonayo dabyaaqada sanadkan ama horaanta sanadka dambe in filimkan tiyaatarada la saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here