Megastar Sunny Deol iyo Raveena Tandon waxaa aad loo jeclaan jiray 90-maadkii inay shaashada soo wada galaan ayagoo isla sameeyeen aflaan caan ah oo aad looga helay fariin ahaan sidoo kalena ganacsi wanaagsan sameeyeen.

Haddaba aqristayaasha qiimaha badan waxaan idiin heynaa aflaanta Sunny iyo Raveena isla jileen kuwooda guuleesteen iyo kuwooda guul dareesteen waqtiga ay soo baxeen iyo ganacsiga ay sameeyeen.

Sida rasmiga ah Sunny iyo Raveena waxay wada sameeyeen 5-filim oo ay doorar dhameestiran ku leeyihiin waxayna aflaantaas kala yihiin kuwa hoos ku xusan:

1. Kshatriya (1993) – wuxuu soo xareeyay 3.30 Crore waana Flop

2. Insaniyat (1994) – wuxuu soo xareeyay 5.75 Crore waana Flop

3. Imtihan (1994) – wuxuu soo xareeyay 3.08 Crore waana Flop

4. Ziddi (1997) – wuxuu soo xareeyay 18.38 Crore waana Super Hit

5. Salaakhen (1998) – wuxuu soo xareeyay 9.34 Crore waana Flop.

Sida xogta sare aan kaga jeedno Sunny Deol iyo Raveena Tandon kaliya hal filim ayaa u guuleestay waana Ziddi oo Super Hit weyn ah dhamaan aflaanta kale oo ay isla sameeyeen ganacsi ahaan wey guul dareesteen inkastoo filimo caan ah yihiin sheeko ahaana daawashadooda la jecel yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here