Sunny Deol waa jilaaga kaliya ee sadax jeer meel saaray 3 Khans asigoona maanta u dabaal dagayo dhalashadiisa.

0
1205

Jilaaga weyn ee Sunny Deol ayaa maalinimadii shalay u dabaal dagay dhalashadiisii 63aad maadaama jilaagaan uu dhashay 19kii Oktobar 1956dii waxaana laga joogaa 63 sano.

Sunny Deol oo kamid ah jilayaashii ugu waaweynaa fanka Hindiya soo maray ayaa 90aadkii ahaa jilaaga ugu awooda badan asigoona meel saaray jilayaasha India ugu awooda badan ee 3 Khans Amir, Sallu iyo SRK.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa sadax maroo uu Sunny Deol meel saaray 3 Khans halkaan hoose kaga bogo;

1990kii

Amir Khan ayaa markaas calanwalweynaayay kadib guushii weyneyd ee uu gaaray filimkiisa Qayamat Se Qayamat Tak sanadkii 1988dii waxaan sanadkii 1990kii usoo baxay filimka Dil oo Blockbuster noqday asigoona soo xareeyay lacag dhan 10 crore hase yeeshee isla sanadkaas Sunny Deol waxaa usoo baxay filimka akshanka ahaa ee Ghayal waana filim dagaal ka buuxo isla markaasna mamnuuc ka ahaa in caruurta daawadaan hadana sidaas oo ay tahay Ghayal ayaa keenay 9.50 crore asigoona sidoo kale noqday Blockbuster weyn.

1997dii;

Kadib markii uu kasoo farxashay Amir Khan sanadkii 1997dii waxay u saarneyd SRK kaasoona hindiya ku qabsaday filimkii guusha taariikhiga gaaray ee Dilwale Dulhania Le Jayenge sidoo kalana wuxuu keenay filimaan badan oo guulo waaweyn gaaray balse waxay is qabteen Sunny Deol sanadkii 1997dii kadib markii uu sanadkaas SRK usoo baxay filimka All Time BlockBusterka noqday ee Dil Toh Pagal Hai wuxuuna sanadkaas keenay lacag dhan 60 crore balse sunny Deol ayaa isna sanadkaas la yimid filimka Border kaasoo asigana noqday All Time Blocbuster wuxuuna guud ahaan soo xareeyay 66 crore.

2001dii

2001dii Sunny Deol ayaa cagta mariyay inta badan wixii iskooro u yaalay filimada Hindiya markii laga reebo iskoorada filimka Sholay wuxuuna sanadkaas keenay filimkiisa weyn eee Gadar – Ek Prem Katha lacag dhan 70 crore asigoona noqday All Time Blockbuster waana filim ilaa iyo haatan la jabinin iskooradii uu dhigay wuxuuna ka saro maray filimka Lagaan ee Amir hogaamiyaha ka ahaa kaasoo keenay 30 crore iyo filimka K3G kaasoo ay wada jileen SRK Amitabh Bachchan iyo Hrithik Roshan wuxuuna keenay 42.6 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here