Home » Nolosha Jilaayaasha » Sunny Deol Waa Qof Dareen Adag Xiriir Wanaagsan Kalama Dhaxeeyo 2-daan Super Star

Sunny Deol Waa Qof Dareen Adag Xiriir Wanaagsan Kalama Dhaxeeyo 2-daan Super Star

Sunny Deol waa ka mid ah jilaayaasha ugu awooda badnaa ee fanka hindiya soo mareen taariikh ahaan ilaa hadana awoodiisa waa mid taagan haleeygaan.wuxuuna u baahan yahay inuu helo kali filimka awoodiisa soo celin lahaa.

Dhinaca kale Sida aan wada ognahay Sunny Deol waa jilaa dagan oo aan saxaafada ka fal gelin sidoo kale aan badi isku dhacin jilaayaasha kale ee fanka wadaagaan.

Haddaba maanta waxaa idin heynaa Sunny Deol iyo aktarada aan xiriirka wanaagsan ka dhaxaynin waxaana liskaan ku jiro 2 Super Star oo awood ku leh Bollywood-ka

1. Ajay Devgn

Sunny Deol iyo Ajay inkastoo aysan saaxiibo aheyn hadana aad ayay isku ixtiraami jireen maadaam ay ka mid ahaayeen jilaayaasha awooda ku lahaa bollywood 90-kii.

Labadaan jilaa ayaa xiriirkooda xumaaday sanadii 2002 xili lagu guda jiray duubista filimka The Legend of Bhagat Singh ee Ajay hogaamiyaha ka yahay Sunny Deol ayaa saaxiibkiisa Ajay ka codsaday inuu filimka ku daro Bobby Deol laakiin Ajay ayaa si cad u diiday dalabka Sunny Deol.’

Sunny waqtigaan ka dib wuu ka gaabsaday Ajay dib danbana labadaan jilaa wada hadal ma yeelan inkastoo wili ixtiraam isku heeyaan kana wada tirsan yihiin Bollywood-ka.

2. Aamir Khan

Aamir Khan iyo Sunny Deol waa labo jilaa dagaal ku dhax maray boxoffice-ka marar kala duwan laakiin labadaan jilaa ayaa ugu danbeyn isku dhacay xili tiyaatarada isku soo wada aaday filimadooda Lagaan iyo Gadar: Ek Prem Katha.

ka dib Sunny Deol ayaa saaxibkiisa Aamir ka codsaday inuu dib u dhigo filimkiisa Lagaan laakiin Aamir kuma raacin fikirka saaxiibkiisa in labadooda filim aan isku dhacin.

Aamir ayaana go´aankiisa ku taagnaaday waxaana isku maalin tiyaatarada lawada saaray filimkada Lagaan iyo Gadar Ek Prem Katha sanadii 2001.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *