Waa dagaal ama xurguf caan ah oo dhexmartay Superstar-da kala ah Shah Rukh Khan iyo Sunny Deol kuwaaso isku khilaafeen filimkii Darr mudo 16 sano ayeena kala aamusnaayen xidigahan.

Bishii June ee aan soo dhaafnay ayuu wareysi bixiyay Mega Superstar Sunny Deol waxuuna kaga hadlay xanaaqa iyo Carada xad dhaafka ah uu dareemay mar uu duubayey muuqaal kamid ah Filimka Darr ee Sunny Deol mindida ama tooreyda caloosha laga galinaayo.

Waxaa la weydiiyay in Yash Chopra (Filimka ninka sameeyay) iyo Shah Rukh Khan ay ka cabsan jireen ama iska ilaalin jireen xanaaqa Sunny Deol waxuu ku jawaabay”sidaas ayee ila tahay sababto ah qofka khaldan cabsi moyee xalkale ma haayo wey khaldanaayen khaladkoodena la cabsanayeen.”

Isagoo ka sheekeynayaa dhacdada muuqaalkaas waxuu yir,”waxaan duubayey muuqaal uu SRK mindi caloosha iga galinaayo ma tirin karo inta jeer aan mudan Yash arrinkaas kala hadlay.”

“Waxaan u sheegay in aan filimka ku jilaayey sargaal Kumaandoos ah oo tababar xoogan heesto sifiicana isku difaaci karo waxaa layaab igu noqotay sidee wiil yar anigo u jeeda horteydana joogo uu Mindi caloosha iiga galin karaa.”

Waan dhibsaday muuqaalkaas maadama sharafka nin sargaal ah meel looga dhacaayo sikaste ahaataba anigo ka xun ayaan ka aqbalay mudane Yash Chopra maadama uu ahaa qof iga weyn waalidkeyga oo kalena ah.”

“Markuu SRK mindida caloosha iga galinaayey aniga gacmaha ayaa jeebabka iska gashtay anoo careeysan waxaana is arkay anigoo surwaalka jeebabkiisa gudaha rifay oo jeex-jeexay xanaaq aawgiis waana marka kooxdii filimka ila duubeysay dhamaan kawada naxeen ficilkeyga.”

Sunny Deol waxaa la weydiiyay mudo 16 sano isaga iyo SRK kala aamusnaayen inuu wax cuqdad ah u hayey waxuu ku jawaabay,”khilaafkii Darr isla Darr ayuu ku dhamaaday aniga wax cuqdad ah uma qaadin waligeu SRK balse waqtiga nakal geeyay aniga reero xaflad ma ahi mana kulmi jirin mudadaas taasi ayaa kaliftay inee dadka u maleyaan waxkale inee jiraan.”

Filimka awooda Sunny Deol ayuu ku gadmay balse waxaa layaab noqotay in SRK oo filimka laadar ka ahaa magac weyn ku yeeshtay saameeynta filimkana isaga la tagay aad ayaa loo jeclaaday doorkiisa mashruucaas Blockbuster-ka noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here