Home » Nolosha Jilaayaasha » Sunny Leone Maxay Dareenta Marka Lagu Aflagaadeyo Shaqadeedi Hore Anshax Xumada Ahed!!

Sunny Leone Maxay Dareenta Marka Lagu Aflagaadeyo Shaqadeedi Hore Anshax Xumada Ahed!!

Sunny Leone waa atirisho caan ah Bollywoodka katirsan waqtigaan sido kalena sameesa aflaamtga koonfur hindiya balse shalay waxay ahed atirisho sameesa aflaamta anshax xumada ah.

Sunny shaqadeeda hore dadka badankooda ma aysan ilaawin inkastoo hader lawadaa ogyahay in ay tahay Bollywood Star balse waayahedii hore ee Porn Star ahed wali dadka ma ilaawin waana sababta dadka qaar oga dabaa wadaan nolosheedii hore iyo shaqadeedi hore.

Xidigtaan hader shaqadaas anshax xumada ah iska dhaaftay sido kalena Bollywoodka soo gashay ayaa wareysi lala yeeshtay waxaana wax laga weydiyay sida ay dareento maadama dadka had iyo jeer kadaba wadaan nolosheeda hore iyo shaqadeeda hore inta badan baraha bulshada ku aflagaadeyaan.

Waxay tiri,”idinka ayeeba murug idinku heysaa aniga waxba igama dhibto dadka waxa ay sheegaan waayo dareenkoda aye ka hadleen iyo fikirkooda midaasna xor aye u yihiin aniga ahaan wey dhacdaa mararka qaar inaan ka xumaado hadaladooda balse inta badan ma daneeyo sababto ah nolosheyda hore iyo shaqadeyda hore waanba hilmaamay waxaana diirada saara nolosha hada aan kujiro.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *