Waxaan horey idin kula wadaagnay in Nawazuddin Siddiqui iyo Athiya Shetty isla soo wadaan filimka jaceylka, dhaqanka iyo arimaha qoyska ka hadlaayo Matichoor Chaknachoor oo la daawan doono 15 Nov 2019 sidoo kalena goos gooskiisa aad loo amaanay qaabka loo dhigay.

Haatan hadal heynta filimkan cirka ayay gashay kadib markii laga soo bandhigay hees lagu magacaabo Battiyan Bujhaado muuqaalkana waa atirishada looga haray heesaha shidan sidoo kalena soo jiidashada badan cid kale ma ahan waa Sunny Leone.

Heeska Battiyan Bujhaado waxay sameesay Sunny Leone inay Nawazuddin Siddiqui indhaha u kala furtay madaama uu ku matalaayo nin dhaqanka ku adag oo aan waligiis meel lagu caweeyo tagin sidoo kalena xishood badan.

Heeska Battiyan Bujhaado waxaa ku luqeenayaan Jyotica Tangri & Ramji Gulati waana hees kala kacsan oo lagu soo beegay daawashadeeda xiliga feestada Diwali lagu guda jiro fadlan hoos ka daawo adigaaba ka heli doontid:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here