sunny doel waa aktarka ugu awoodda badnaa 90s hadii lasoo hadal-qaado doorka action-hero waxa uu sunny ahaa qofkii ugu horeeya ee magaciisa la sheego isagoo sameeyay filimada oo hit ah

laakiin sunny doel haddii laga hadlo arimaha nolishiisa caadiga ah isaga waa nin xishood badan isagoo ku fiicnayn jaceylka marka nolosha caadiga la taagan yahay isagoo wajahay waxyaabo badan oo isaga cagsi ku ah

waxaan ka mid ah in xilii sunny uu damcay inuu guursado sadexdan atariisho isagoo xitaa ku dhawaaday inuu dhawr jeer inuu iyaga dartooda u furo xaaskiisa

Amrita singh

sunny iyo amrita waxa ay waayahooda fanka kasoo bilaabayn filimka betaab sanadkii 1983 iyagoo inta ay socotay noqdayn kuwa isku soo dhawaada ka dib waxa ay bilaabayn inuu dhex-maro xariir jaceyl 

waxaana mar walba wararkooda lagu soo qori jiray wargeysyada sunny xiligaas waxa uu lahaa xaas taaso lagu magacaabo pooja laakiin lama ogayn iyagoo si qarsoodi ah isku guursaday ka dib sunny waxaa ka awood badiyay jaceylka amrita isagoo go’aansaday inuu furo xaaskiisa

laakiin waxaa arrintaas ku gacan seertay sunny doel hooyadiisa taaso ugu dambayn bur-burisay xariirka u dhaxeeyay sunny doel iyo amrita singh

Dimple kapadia

dimple iyo sunny waxa ay isla sameeyeen aflaamo badan xiligii 80s iyadoo director walba uu doonaayay inuu filimkiisa hogaamiye kaga dhigo labadooda

Iyadoo midaas ay dhalisay inuu meesha ka bilaabmo xariir qaas ah oonu dhaxeeya labadooda waxaan sunny doel uu atariishadan u qaaday jaceyl xad-dhaaf ah isagoo xitaa doonayay inuu xaaskiisa u furo

laakiin waxa uu ka cabsanaayay aabihiisa dharmendra madaama xaaskiisa iyo aabihiisa ay si weyn isugu fiicnaayeen ka dib sanado fara badan waxaa la arkay iyagoo gacmaha ishaystaan taaso ku muujinaysa in weli labadooda weli aysan hilaamin waqtiga quruxda badnaa ee ay soo wada qaatayn

Raveena Tandon

sunny ayaa jaceyl u qaaday raveena tandon xiligii ay wada duubaayeen filimka ziddi kashritya iyo aflaamo kale oo badan iyadoo xiligaas raveena ay kala soo tagayn aktarka akshay kumar

iyadoo xiligaas doonaysay qof ay xariir la sameeso sunny doel ayaa noqday qof booskaas galo iyagoo labadooda waqti gaaban ay isla socdayn taaso markii dambe ay kala tagayn madaama sunny xiligaas fanka uu simacad weyn ku dhax-lahaa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here