Super Star Ajay Devgan sanadkaan waxay ugu bilaabatay guul weyn kadib markii filimkiisa Tanhaji uu Blockbuster weyn noqday.

Waxaan horay idiinla wadaagnay in Ajay filimkiisa Maidaan la daawan doono 27da bisha Nivember 2020ka balse haatan dib ayaa loo dhigay.

Sababta dib loogi dhigay ayaa waxay tahay in filimkii RRR uu soo bixi doono 16da Oktobar sidaas owgeed waxaa qasab noqotay in labada filim oo uu Ajay wada jilaayo mudo 2 bilood ah u dhaxeyso waana sababta haatan dib loogu dhigay filimka Maidaan.

Haatan filimka Maidaan waxaa la daawan doonaa 11da bisha December 2020ka waxaana Filimkaan Directed ka ah Amit Ravindernath.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here