Super Star Akshay Kumar ayaa ugu dambeyntii ka hadlay isku dhaca kala dhaxeeyo atirishada Priyanka Chopra oo aysan mudo dheer wada shaqeynin.

In ka badan 10-sano Akki iyo PC wax filim ah ma wada sameynin sidoo kalena mid walbo midka kale inuu fogaado ayuu jecel yahay madaama labadaan jilaa xiriirkoodii si dabiici ah uu meesha kaga baxay.

Hadaba Akshay Kumar ayaa la weydiiyay qilaafka Priyanka Chopra kala dhaxeeyo ama inay ku dhaarteen mar dambe inaysan isla shaqeynin.

Akki wuxuu ku jawaabay “Ugu horeyntii, ma jiro dhaar ku aadan inaan mardambe isla shaqeynin, waxaan horey Priyanka ula sameeyay 5-filim, marka laga reebo Rani Mukerji dhamaan atirishooyinka kale waan la shaqeeyay sidaa darteed wax walbo fursad ayay ku xiran tahay”

Sidoo kale Akshay waxaa lasii weydiiyay in Priyanka Chopra, Ekta Kapoor iyo Farah Khan uu qilaaf xoogan kala dhaxeeyo wuxuuna ku jawaabay “Aan wacno Priyanka, Farah, Ekta, kadibna aan weydiino hadii ay dhib iga tabanayaan, kadibna wax walb waad ogaan doontaan”

Akshay Kumar iyo Priyanka waxaa la sheegay in wada shaqeyntoodii hada ka hor xiriir hoose ka dhashay taasi oo sababtay in xaaskiisa Twinkle Khanna siweyn kaga carootay kana dalbatay inuusan mardambe la shaqeynin”

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here