Home » Nolosha Jilaayaasha » Super Star Dharmendra Ayaa Guul U Rajeyay Salman Khan Iyo Bobby Deol Filmkoda Race 3!!

Super Star Dharmendra Ayaa Guul U Rajeyay Salman Khan Iyo Bobby Deol Filmkoda Race 3!!

Jimcadan waxaa la daawan doona filmka sida weyn loo wada sugaayey ee Race 3 kaaso uu hogaamiye ka yahay Mega Star Salman Khan halka jilayaal badan kula weheliyaan.

Super Star Dharmendra oo goos gooska filmkiisa Yamla Pagla Deewana 3 lagu dhex daawan doono filmka Race 3 ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray hadal uu guul ugu rajeynaayo Salman Khan iyo Bobby Deol.

“Waxaan kamid ahay daawadayaasha sugayaan Race 3 guul ayaan idiin rajeynaa Salman Khan iyo Bobby iyo dhamaan kooxda Race 3 waxaan filaa in filmkiina guul wacan gaari doono.”

Halyeeygan ayaa galabkaan qoraalkas baraha bulshada soo dhexdhigay waana shaqsi ay aad isugu dhowyihiin Salman Khan sido kalena Sallu muuqaal marti ah ayuu ku leeyahay filmka YPD 3.