Arintaani waxay dhacday mudo kudhowaad 27 sano laga joogo xiligaas na Rajesh wuxuu ahaa oday kasii fariisanayey gabi ahaan fanka balse magac iyo maamus weyn shaqeystay halka Akshay Kumar na uu ahaa shaqsi shaqo doon ah oo doonayey in uu kusoo biro jilista aflaanta.

Sanadkii 1990 Rajesh ayaa kudhawaaqay in uu sameyn doono filimka lagu magacaabo ‘jai Shiv Shankar’ taaso markii dambe dadka kawada nixisay kadib markii uu filimkaani atarisho koowad kaga dhigay Dimple Kapadia.

Dimple iyo Rajesh xiligaas iskuma fiicnen aad ayena ukala fogaaden kala guri ayena kukala noolayen taasina dadka kama qarsaneen balse sikadis ah ayuu filimkaani atarisho kowad kaga dhigay maadama filimkaani asiga wato.

Rajesh filimkaani wuxuu ka ahaa atoore koowad soosare (producer) sido kale shirkadisa ayaa hadana filimkaani soosaaraty waxaa kalo filimkaani uu u magacaabay saaxiibkis Jetendra,Poonam Dhillion balse wuxuu baadi goob ugu jiray atoore yar oo cusub kaaso uu door kasiiyo filimkani.

Intaa kadib waxaa kawar helay arinkan Akshay Kumar oo isaga xafiis kasta iyo studio kasta shaqo karaadinayey si bal uun filim xitaa uga soo muuqdo, intaa kadib Akki wuxuu sitoos ah usoo abaaray xafiiska Rajesh Khanna si uu oga codsado in filimkaani  qeyb oga siiyo.

Intaa kadib Rajesh qolkiisa ayu kujiray asigoo markaas mashquulsana akki na mudo 2-3 saacadood ah ayuu sugayey kuna sugayey banaanka balse Rajesh marnaba uma uusan wicin si uu gudaha usoo galo.

Ugu dambeyn Akshay waxaa looshegay in uusan xiligaan lakulmi Karin Rajesh Khanna sidaa darteedna ay fiicantahay in uu iska tago, akki mesha ayuu isaga soo tagay asigoo aad oga xumaday waxa uu kusameyay Rajesh, balse lalamayaabo Super Star Rajesh Khanna waayo akki hortiis ayaa dad badani kasoo cabaaden waana dabeecadiisa.

Filimkaas sidaa ayu kuwaayey akki maadama uu noqon waayey doqa Rajesh Khanna,waxaa dhacday in akki uu noqday xidig weyn mudo kadibna uu guursaday gabadha uu dhalay Rajesh Khanna ee Twinkle Khanna ayagoo aqal galaya sanadi 2001.

Balse akki ilaa hada ma ilaawin maalinkas waxa uu kusameyay Rajesh waa mid uu waligiis xasuusan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here