Ruug cadaa Shakti Kapoor ayaa ka dhawaajiyay in gabadhiisa Shraddha Kapoor marnaba hormarkeeda fanka iyo nololeesha gaarka ah cariiri gali doonin.

Shraddha Kapoor culees xoogan ayaa haatan soo wajahay madaama filimadeedii ugu dambeeyeen sida Rock On 2 , Ok Jaanu, Half Girlfirend ganacsi ahaan guul dareesteen.

Hadaba Shakti ayaa culeeska ka qaaday gabadhiisa wuxuuna yiri “Shraddha halis marnaba ma gali doonto shaqo ahaan iyo nolol ahaan waayo aabaheeda ayaa taajir ah wax walbana u sameyn karo”

Shakti oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Gabadheyda wey isku filan tahay madaama ay 12 ilaa 13-shirkadood oo kala duwan xayeysiin u sameeneyso sidoo kalena guusha saaxiib la tahay”

“Sidaa darteed Shraddha Kapoor labo filim oo ka fashilmeen halis ma galin karaan mustaqbalkooda Bollywood-ka”

Saadaasho Shakti ma xumaanin oo Shraddha so laabasho waali ah ayee sameysay aflaamteeda u dambeyeen sida Saaho iyo Chhichhore guulo wacan ayee gaareen 100 Crore-na wey ka talaabsadeen waliba Hit dhameestirana wey noqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here