Tiger Shroff waa jilaa fanka Hindiya hormar balaaran ka sameenayo inkastoo uu afar filim oo kaliya sameeyay hadana waa xidig hogaamiye weyn kusoo baxay sidoo kalena dhanka Action-ka looga haray dhalinta Hindiyana taageero balaaran u ah wiilkaan..

Hadaba Tiger Shroff xili uu la hadlaayay Mumbai Mirror ayaa la weydiiyay sheeko xiiso badan oo ku aadan sedexda Khan (Salman, Aamir iyo SRK) midka uu isaga jecel yahay inuu daydo ama wadadiisa uu qaado.

Tiger wuxuu ku jawaabay “Dhamaan Khans-ka wey kala duwan yihiin mid walbana si uu fanka mudo dheer ugu jiro xeelad u gaar ah ayuu adeegsaday weyna ku amaanan yihiin midaas”

“Laakiin Aamir Khan isaga wuu ka duwan yahay kuwa kale waayo marba marka ka dambeyso heerkiisa jiliin iyo waxqabadkiisa meel aan la gaari karin ayuu gaarsiiyaa”

“Sidaa darteed jilaa fanka ku cusub aniga oo kale iyo kuwa ila mid ah kaliya waxaan indhaha ku heynaa sidoo kalena riyo inoo ah inaan Aamir Khan oo kale noqono mustaqbalka”

“Aamir Khan waa jilaa wax badan laga barto sida wax loo jilo waxaana dhihi karaa Aamir waa qaamuuska dhalinta Hindiya ka baran karaan sida xirfada jilinka heer sare loo gaarsiiyo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here