Super Star Tom Cruise Taxanihiisa Mission Impossible Markaan Kashmir Ayuu La Yimid!!

Mashruuca weyn ee Mission Impossible Fallout waxaa daafaha caalamka laga daawan doona 27 bishaan july sida la qorsheyay waana film uu hogaamiye ka yahay Super Star Tom Cruise.

Tom Cruise waa jilaa Hollywood ah sido kalena looga haray sameenta filmada Action-ka ah balse waali cad ayuu la yimid sanadkaan waxaana hilmaami doonta taxanahan qeybihiisa hore maadama ficilo halis cad ah uu u bareerayo jilaagan.

Waxaa kula weheliyaan dhamaan kooxdisa ee ay horey uwada sameyeen qeybihii hore, hadaba kooxda mashruucan waxa markii hore qorshaha ahaa in qeyb kamid ah filmkaan lagu duubi India qaasatan buuraha Valley ee Kashmir qeybta India kaga taalo.

Si kastee ahaataba kooxdan uma suurto galin iney gudaha India kuduubaan muuqaalada qaarkod ee ay la rabeen inee halkaas kuduubaan ayadoo wadamo badan laga mamnuucay inee Helicopter-toda la galaan maadama ay hawada sare iyo buuraha daafaha caalamka ku wareegayeen xili ay duubayeen mashruucan…

Howsha Mashruucan wey dhamaatay marka laga reebo muuqaalo yar yar oo harsan saacado koobana lagu dhameen karo sidaa aawged waxay kooxdan dulmar ku sameyeen Kashmir buuraha ku yaalo balse wax duubitaan ah kuma aysan galin maadama qorshahooda bedeleen, halkaan hoose ka daawo xili ay buuraha Kashmir dhex jabaaxayaan…