Home » Box Office » Super Star Vijay filimkiisa Mersal 150 Crore ($22.73M) ayaa laga helay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin

Super Star Vijay filimkiisa Mersal 150 Crore ($22.73M) ayaa laga helay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin

Fanka Koonfur Hindiya xiligii ugu sareeyay ayuu marayaa maantana waxay taagan heer laga helaayo lacago waali ah ka hor inta aan tiyaatarada la saarin waxayna badaleen jaceylkii Bollywood-ka loo qabay.

Super Star Vijay filimkiisa Mersal waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in tiyaatarada la saarayo 19-ka bishan October oo maalin Khamiis ah waxayna kooxda iska leh doonayaan inay macaash xoogan ka helaan feestada Diwali.

Waxaa lasoo bandhigay lacagaha laga helay filimka Mersal ka hor inta aan tiyaatarada la saarin 156 Crore ($23.64M) waan lacagtii ugu badneyd ee filim Tamil laga helo oo uusan hogaamiye ka ahayn Super Star Rajinikanth ka hor inta aan tiyaatarada la saarin.

Filimka Mersal lacagaha laga helay ka hor inta aan tiyaatarada saarin qaabka looga helay fadlan hoos kaga bogo:

Dhul weynaha Tamil Nadu xuquuqda qeybinta cajaladaha waxaa lagu iibsaday 70 Crore

Gobolka Karnataka waxaa lagu iibsaday 5.50 Crore

Gobolka Kerala waxaa lagu iibsaday 6.60 Crore

Gobolka Telugu AP/Nizam waxaa lagu iibsadayy 4.60 Crore

Hindiya inteeda kale waxaa lagu iibsaday 0.80 Crore

Daafaha caalamka waxaa lagu iibsaday 26 Crore (USA kaliya 5 Crore ayaa lagu iibsaday xuquuqdiisa).

Wadarta Guud Lacagaha Lagu Iibsaday Xuquuqda Filimka Mersal 113.50 Crore

Lacagaha kale ee laga helay xuquuqaha filimka Mersal:

Xuquuqda Satelite-ka Af Tamil-ka waxaa lagu iibsaday 28.50 Crore

Xuquuqda Satelite-ka Af Hindiga waxaa lagu iibsaday 11 Crore

Xuquuqda Muusigada waxaa lagu iibsaday 3 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Filimka Mersal Laga Helay Ka Hor Inta Aan Tiyaatarada La Saarin 156 Crore

Madaama filimka Mersal xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha lagu iibsaday 113.50 Crore filimkaan wuxuu Hit ku noqon karaa marka uu 200 Crore soo xareeyo isku darka ganacsigiisa gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka (Worldwide Gross)!