Superstar Thala Ajith Kumar sanadkan 2019 waa mid isaga u qaas ah madaama filimkiisii Viswasam oo All Time Blockbuster noqday halka filimkiisa kale Nerkonda Paarvai isagana Big HIT noqday laakiin hadal heynta iyo saameynta awooda Ajith Kumar intaas kuma eko.

Shirkada Twitter waxay si rasmi ah usoo bandhigtay sanadkan 2019 5-dhacdo ee ugu saameynta badnaa gudaha Hindiya ee erey ahaan barta Twitter-ka loo adeegsado waxaana kaalinta kowaad ka galay Ajith Kumar filimkiisa Viswasam oo noqday midka ugu saameynta badnaa barta Twitter-ka dadka Hindiga ah adeegsadaan.

Fadlan hoos kaga bogo 5-dhacdo ee ugu saameynta badneyd barta Twitter-ka ee shacab weynaha Hindiya ugu adeegsiga badnaayeen bartaan caanka ah:

1. #Viswasam

2. #LokSabhaElections 2019

3. #CWC19

4. #Maharshi

5.#HappyDiwali

Ajith Kumar hadal heynta Bollywood-ka iska dhaaf xitaa wuxuu kala wareegay doorashadii guud ee Hindiya ka dhacday bartamihii sanadkan ee Ra’iisu Wasaare Modi mar labaad lagu soo doortay iyo koobkii aduunka Cricket-ka oo Hindiya Semifinal lagu reebay.

Sidoo kale Suldaan Mahesh Babu filimkiisa Maharshi isagana kaalinta 4-aad ayuu ka galay 5-dhacdo ee Twitter-ka Hindiya ugu saameynta badnaayeen halka kaalinta 5-aad galay adeegsiga Happy Diwali xiligii feestada Diwali lagu guda jiray la adeegsaday.

Ugu dambeyntii Bollywood-ka ceeb weyn ayaa ku dhacday madaama wax saameyn ah barta Twitter-ka ku yeelanin gudaha Hindiya halka fanka Koonfur Hindiya 5-dhacdo ugu saameynta badnaa Twitter-ka Hindiya labo ka mid ah iyaga lahaayeen waana filimada Viswasam iyo Maharshi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here