Wasiirka arimaha gudaha dalka India waxuu ku dhawaaqay in 50% la furaayo tiyaatarada dalka hindiya laga bilaawo 15 bishaan October arinkaas markee dhacday dad badan ayaa farxeen durbana waxaa bilaawatay in kooxaha filimada waqti qabsadaan si aflaamtooda diyaarka ah tiyaatarada loo saaro.

Sooryavanshi waxuu kamid ahaa aflaamta lasugaayey in tiyaatarada lasaaro waxaana dib loogu dhigaayey Karona oo jiray iyo tiyaatarada oo xirnaayeen kooxdana wey diideen in Online lagu daawado hadaba hader maxaa sababay in dib udhac kale ku yimaado.

Kooxda Sooryavanshi ayaa si rasmi ah shaaca oga qaaday in filimka waqti dhow aan la daawan doonin xitaa Diwali sababta waxay dhaheen tiyaatarada 50% kaliya ayaa la furay dadkana wey cabsanayaan fagta hore tiyaatarada wax soo aadayo wey yar yihiin.

Sidaa aawged December iyo wixii ka dambeeyo ayee tiyaatarada dhamaan wada furmayaan dadkana xoogaa cabsida ka yaraaneyso maadama la filaayo xiligaas in Karona yaraado hadaba anaga waxaan go’aansanay in filimka la daawado waqtiga ku haboon cudurna jirin ama yaraado tiyaataradana wada furan yihiin.

Warkaan waxuu ka dhigan yahay in Sooryavanshi la daawan doono December ama sanadka dambe 2021.

3 COMMENTS

  1. Maxaa Dib Loogu Dhigay Daawashada Filmka Sooryavanshi Waliba Boorsamiintadiisa Mar Hore Ayey Soo Baxday – Waxaa Laga Soo Hor Marinayaa Filmka Laxmmi Bomb – Okay Goormaa La Daawanayaa Filmka Sooryavanshi Ciida Masiixiga Mise Sanadka Cusub 2021

  2. Sooryavanshi in dib loodhigo waa go’aan haboon maadama filmkan uu yahay film wayn waxaa ku haboon in uu helo theatre ku filan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here