Superstar Bruce Willis filimkiisa Death Wish hadal heyntiisa aad u sareyso iyo xiliga la daawanayo

Halyeega Bollywood-ka Bruce Willis filimkiisa Death Wish ayaa hadal heyn xoogan la imaaday kadib markii laga soo bandhigay goos goos adag oo soconaayo 2-daqiiqo iyo 21-ilbiriqsi.

Death Wish ma ahan fariin cusub ee dib ayaa loo sameeyay filimkaan madaama sanadii 1974 la sameeyay asigoo isla magacaan wato Death Wish wuxuuna noqday filim Classic ah.

Bruce Wills ayaa filimka Death Wish ku matalaayo aabo xaaskiisa laga dilaayo sidoo kalena gabadhiisa la kufsanaayo wuxuuna isku badalaa dilaa aan laga bad baadin oo lagu magacaabo “The Grim Reaper.”

Marka laga soo tago Bruce Wills filimka Death Wish waxaa wax ka jilayaan Vincent D’Onofrio, Elisabeth Shue, Dean Norris iyo Mike Epps waxaana la daawan doonaa 2 Maarso 2018 gudaha USA, Hindiya iyo dhamaan daafaha caalamka.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Death Wish oo siweyn loo hadal haayo: