Superstar Mithun Chakraborty sameynta filimka The Kashmir Files dhib badan ayuu ka maray mar dhexdaas ah raashiin ama cunto uu cunayay xili duubista filimkan socotay ayuu ku sumoobay taasi oo keentay inuu fuuq baxo shaqadana ka naasto maalmo. Kadib kooxda filimkan cimilada oo ku xumaadeen awgeed shaqada wey hakiyeen Kashmir ka socotay laakiin ugu dambeyntii howsha si guul dheehan ayay kusoo idlaatay.

The Kashmir Files waxaa Mithun ku wehliyaan jilaayaasha ay ka mid yihiin Anupam Kher oo wax ka hogaaminayo mashruucan xasaasiga ah, Pallavi Joshi, Puneet Issar iyo Arpan Tiwari. Waxaana Director ka ah Vivek Agnihotri kaasi oo si rasmi ah baraha bulshada ugu xaqiijiyay in filimkan duubistii soo idlaatay lana daawan doono qaybaha dambe ee sanadkan.

Anupam Kher ayaa dhankiisa u mahad celiyay Director Vivek Agnihotri iyo Mithun Chakraborty wuxuuna sheegay in filimka The Kashmir Files inuu xambaarsan yahay sheeko dhab ah oo 30-sano ka hor dhacday laakiin hadda la wada ogaan doono oo dadka intooda badan ka war qabin kuwa ku nool gudaha Hindiya iyo daafaha caalamkaba.

Waxaa la wada xasuustaa Director Vivek Agnihotri iyo Mithun sanadii 2019 ciwaanada Bollywood-ka inay qaateen madaama filimkoodii waaqiciga ahaa The Tashkent Files dunida oo idl fariintiisa ka heshay wuxuu noqday mid ganacsi ahaan guuleestay sheekadiisa aad looga helay, sidaa darteed labadan waxaa laga rajeynaa markaana filimkooda The Kashmir Files ay kaga hadlayaan arimaha qarsoon ee gobolka Kashmir ka jiro in laga wada heli doono qaabka ay fariinta u dhigi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here