Superstar-ka awooda badan ee dhul weynaha Malayalam shirkadooda Mollywood maamulo Mohanlal ayaa taageerayaashiisa ka farxiyay kadib markii uu shaaca ka qaaday xiliga rasmiga ah ee la daawan doono filimkiisa xiga Big Brother waana mashruuc siweyn Koonfur Hindiya looga sugaayo.

Mohanlal filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mashruucii Tamil-ka ahaa Kaappaan ee uu door muhiim ah ku lahaa asigoo Ra’iisul Wasaare matalaayay waxaana hogaamiye ka ahaa Suriya balse filimka Big Brother isaga ayaa atoore kowaad ka ah waxaana la daawan doonaa todobaadka ugu horeeyo bisha Janaayo 2020.

Qorshaha wuxuu ahaa Christmas 2019 ama dhamaadka sanadkan la daawado filimka Big Brother balse haatan labo todobaad ayaa dib loo dhigay filimkan Siddique ayaa Director ka ah waa filim Action ah oo Mohanlal ku jilaayo sarkaal awood badan xarakaad dheeraad ahna sameyn doono.

Waxaa xusid mudan in Arbaaz Khan door muhiim ah ku leeyahay waana markii ugu horeesay xidigan filim Malayalam ah kasoo muuqaanaayo asigoo ku jilaayo askari udub dhexaad u ah fariinta filimka Big Brother sidoo kalena waxaa filimkan doorar muhiim ah ku leh Anoop Menon, Vishnu Unnikrishnan iyo jilaayaal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here