Superstar-ka reer Malayalam Mohanlal ayaa u dabaal sanad guuradiisa 60-aad wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka fanka Koonfur Hindiya ugu awooda badan sidoo kalena shaqadiisa aad loogu tixgaliyo madaama Telugu, Tamil iyo Bollywood uu la shaqeeyo sidoo kalena mudo dheer uu yahay hogaamiye aflaanta saameyn balaaran ku leh.

Mohanlal wuxuu taageerayaashiisa kaga farxiyay inuu sameenayo qaybta labaad filimkiisa Classic ah Drishyam waxaana loo bixiyay Drishyam 2 ayadoo Jeethu Joseph uu Director ka noqon doono wuxuuna Mohanlal xusay in sheekada Drishyam halkeeda kasii socon doonto waana mid ka mid ah aflaanta loogu jecel yahay ee uu Superstar-kan sameeyay.

Filimka Drishyam sanadii 2003 ayuu Mohanlal sameeyay wuxuuna noqday Blockbuster taariikhi iyo filim Classic ah asigoo bilado badan ku qaatay mashruucan hirgalay kadib luqado kala duwan ayaa lagu sameeyay sida Kannada, Tamil, Telugu iyo Hindi waxaana xusid mudan in qaybta Hindiga ah isla magaca Drishyam loo bixiyay waxaana hogaamiye ka ahaa Superstar Ajay Devgn oo siweyn loogu amaanay bandhigii cajiibka badnaa uu ka sameeyay shaashada.

Director Jeethu Joseph ayaa sheegay inuu haatan diyaariyay sheekada Drishyam 2 sidoo kalena ka xiiso badan tahay kana qayaano badan tahay qaybtii kowaad mashruucan waxaana duubis lagu bilaabi doonaa marka ay xaalada caadi kusoo laabato oo bandowga laga baxo qorshahana wuxuu yahay sanadka dambe 2020 horaantiisa in la daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here