Filimka Marakkar – Arabikadalinte Simham waxaa lagu tilmaamay midka ugu weyn ebid fanka Mollywood ama Malayalam sameeyaan madaama la xaqiijiyay miisaaniyad 150 Crore ku dhow xambaarsan yahay Superstar Mohanlal, Keerthy Suresh, Suniel Shetty, Arjun Sarja, Manju Warrier, Mukesh, Nedumudi Venu, Renji Panicker, Innocent, Baburaj iyo jilaayaal kale waxaana Director ka ah Priyadarshan.

Filimka Marakkar waxaa looga hadlaa geesigii reer Malayalam ee Muslim-ka ahaa Kunjali Marakkar ee loogu magac daray Libaaxii badda Hindiya ka racadeestay Portugal qarnigii 16-aad markii sahmiyaa Vasco Da gama iyo ciidankiisii damceen inay Hindiya dhanka xeebaha ka qabsadaan balse Marakkar ayaa la dagaalamay waxaana doorkaas matalaayo Superstar Monahal ayadoo filimkan si caalami ah loo sameeyay waxaana ku baxay qarash xoogan waxaana lagu daawan doonaa luqadaha Malayalam, Hindi, Tamil, Telugu & Kannada waxaana tiyaatarada la saari doonaa 26 Maarso 2020.

Haddaba Superstar Mohanlal ayaa soo bandhigay aragtida doorarka atirishada Keerthy Suresh iyo xidiga Tamil-ka ah ee awooda badan Arjun Sarja. Waxaana xusid mudan in Keerthy Suresh filimkan loogu yeerayo Aarch halka Arjun Sarja isagana loogu yeerayo Anandan wuxuuna ku jilaa dagaal yahan awood badan.

Waxaa bilaabatay xayeysiin u sameynta hadal heynta filimka Marakkar ka hor inta aan goos gooskiisa lasoo bandhigin waxaa maalin walbo si joogto ah loo soo bandhigi doonaa aragtida kowaad ee jilaayaasha filimkan doorarka muhiimka ku leh waxaana harsan kaartooyinka ama aragtida kowaad jilaayaasha kala ah Suniel Shetty, Manju Warrier, Mukesh, Nedumudi Venu, Renji Panicker, Innocent, Baburaj kadib ayaa goos gooska filimkan lasoo bandhigi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here