Superstar-ka Hindiya ugu saameynta badan xiligaan kaasi oo Koonfurta iyo Bollywood-ka filimkiisa ka gadi karo Prabhas ayaa si rasmi ah u amba qaaday jadwalka xiga filimkiisa lagu magacaabo Jaan waana mashruuc Action, jaceyl iyo fariinta arimaha qoyska isku jiro ah.

Prabhas ayaa qoraal rasmi ah baraha bulshada soo dhigay iyo sawirka sare idin kaga muuqdo wuxuuna yiri “Aadban ugu faraxsanahay inaan idinla wadaago inaan amba qaaday jadwalka labaad ee filimkeyga xiga. Waxaana u hanqal taagayaa duubista jadwalka oo ah mid xiiso badan.”

Filimka Jaan waxaa atirisho kowaad ka ah Pooja Hedge halka uu Director ka yahay Radha Krishna sidoo kalena waxaa maal galinayaan shirkadaha Gopi Krishna Movies iyo UV creations waxaana xusid mudan in jadwalkiisii kowaad sanadkii hore dabyaaqadiisa Hyderabad ka bilaabatay ayadoo Prabhas mashruucan weyn waji cusub ku matali doono.

Filimka Jaan waxaa la sheegay in bartamaha sanadkan la daawan doono waxaana lagu daawan doonaa luqadaha Hindi, Telugu, Tamil, Malayalam iyo Kannada madaama Prabhas uu noqday Pan Star Hindi Actor ama xidig Hindiya oo dhan ka dhaxeeyo waa qasab in filimkiisa cusub dhamaan luqadaha Hindiya ugu caansan lagu daawado madaama filimadiisii ugu dambeeyeen Bahubali, Bahubali 2 iyo Saaho ganacsi waali ah ka sameeyeen dhamaan gobolada Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here