Superstar Rajinikanth oo Soomaalida u yaqaaniin Jeestoole wuxuu tan iyo todobaadkii labaad bishaan ku sugnaa magaalada Hyderabad asigoo duubayay jadwalka labaad filimkiisa weyn Annaatthe oo loogu tala galay mudo 45-maalmood ah lagu soo idleeyo.

Balse haatan gabi ahaanba shaqada filimka Annaatthe waa la hakiyay kadib markii 4-qof oo shaqaalaha ama kooxda filimkan ka tirsan karoona ku dhacay, cabsida jirto awgeed oo ku aadan in Rajinikanth xitaa cudurka asiibo ayaa gabi ahaanba duubista mashruucan hakad weyn loo galiyay.

Filimka Annaatthe shaqadiisa waxay ka socotay Ramoji Film City oo Hyderabad ku yaalo balse afarta qofood kooxda filimkan ka tirsan karoonaha ku dhacay waxaa la galiyay karantiil sidoo kalena qof walbo oo shaqaalaha ka mid ah waa la baaray waana laga waayay karoonaha sidoo kalena qof walbo waxaa loo sheegay inuusan kasoo bixin gurigiisa ama goobta uu ku sugan yahay ilaa amar dambe.

Filimkan weyn waxaa maal galineyso shirkada Sun Pictures waxaana harsan 40% jadwalka duubista mashruucan waxayna u badan tahay horaanta sanadka cusub in la amba qaadi doono, waxaana Rajini filimkan ku wehliyaan Nayanthara oo lamaantiisa ku jileyso, Keerthy Suresh waxay ku matalee gabadhiisa waxaana Director ka ah Siva qorshahana wuxuuna yahay in la daawado April 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here